Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Mascherano oo laga saaray liiska kooxda Liverpool, Chelsea oo loo sheegay iney miiska saarto 35 milyan euro si ay u hesho Neymar

Mascherano

19.08.2010, deeyoo.com.

Mustaqbalka xidiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool Javier Mascherano ayaa shaki galay kadib markii xidigaas laga saaray xulka naadiga Liverpool ee kulanka is reeb reebka la ciyaaraya kooxda Trabzonspor.

Javier Mascherano oo waqti badan u ahaa bartil maimed kooxda Inter ayaa haatan waxaa laga ilaaliyay inuu ciyaaro koob ka tirsan Yurub maadama hadii uu safto kulankan kala baxa ee kooxda liverpool uusan ciyaari Karin koobka horyaalada yurub oo inter Milan ay ciyaarayso.

Kabtanka wadanka Argentina Javier Mascherano ayaanan ciyaaraynin kulanka kooxdiisa Liverpool ay kaga hor jeedo kooxda reer Turki kulan laba lugood ah oo loogu soo baxayo guruubyada koobka horey loogu magacaabi jiray Uefa Cup.

Javier Mascherano oo dhaawac fudud oo kasoo gaaray kubka kulanki Arsenal looga saaray ayaa si weyn ugu hanqal taageyso naadiga ah horyaalka yurun ee Inter Milan iyadoo sidoo kale ay loolan kala kulmayso kooxda ah horyaala Spain ee Barcelona.

xulka kooxda liverpool kulanka ay la ciyaarayso kooxda reer Turki ee xulka naadiga Liverpool ee kulanka is reeb reebka la ciyaaraya kooxda Trabzonspor.

Reina, Johnson, Carragher, Skrtel, Aurelio, Kuyt, Lucas, Gerrard, Cole, Jovanovic, Ngog, Aquilani, Torres, Pacheco, Krygiakos, Rodriguez, Babel, Wilson, Spearing, Poulsen.

Daafaca kooxda Liverpool Daniel Agger ayaanan safan doonin kulankan kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii Arsenal.

kulankaan ayaa markii ugu horeysay kooxda u ciyaaro doona xidiga qadka dhexe ee xulka Denmark oo dhawaan ay kala soo wareegen kooxda Juventus Christian Poulsen.

Kooxda Chelsea oo loo sheegay inay bixiso lacag dhan  £29milyan hadii ay doonayso Neymar.

Naadiga ah horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa waxaa lagu war galiyay inay bixiso lacago dhan 29 Milyan oo gini si ay u hesho xidiga kooxda Santos ee Neymar isla markaana ciyaaryahanka ay ka dhigto ninka ugu mushaarada badan koooxda.

Isku daygii kooxda Chelsea ay ku doonaysay inay kusoo af jarto lasoo saxiixashada xidigaha ayaa dib u dhac uu ku imaan karaa iyadoo naadiga Chelsea lagu soo war galiyay inay bixiyaan lacagihii ay Chelsea ku doonaysay kuwo ka badan.

35 Milyan oo Euro u dhiganta 29 Milyan aya waxaa soo bandhigtay kooxda leh xidigaan ee Santos ee ka dhisan wadanka Braziil.

Wada xaajoodyada Neymar ay ku doonaysay Chelsea aya gaaray heerkii ugu dambeeyay iyadoo ay suura gal noqon karto inay bur buraan sababo is faham waa dhanka lacagaha xidigaas lagu iibinayo.

Gudoomiyaha kooxda Santos Luis Alvaro Oliveira ayaa sheegay in xidiga caalamiga wadanka Braziil Naymar oo 18 Jir ah ay ku ilaabi karaan lacago dhan 29 Milyan oo gini halka Chelsea ay sheegtay inay bixinayso 24 Milyan oo gini farqiga u dhaxeyana waa 5 milyan oo gini.

Kooxda Chelsea horey waxay u weysay Fernando Torres iyo Mesut Ozil xiligaan iyadoo saddexdii bilood ee ugu dambeeyay Chelsea si weyn ay u doonaysay wiilka dahabiga wadanka Spain Torres laakin waa ay ku fashilantay kadib markii xidiga uu sheegay inuu waqti kale lasii joogayo Liverpool.

inkastoo aabaha dhalay Neymar uu u sheegay koxda reer Braziil ee Santos in aysan xayirin wiilkisa oo aysan ka hor istaagin kooxda taajirka ah ee Chelsea oo sheegtay in mushaar ahaan todobaadkii ay u siiin doonto Neymar hadii ay lasoo wareegto 40 kun oo gini waana lacago afar jibaar ka badan lacaga mushaar ahaanta hadda uu ugu qaato kooxda Santos.

Sidoo kale Chelsea ayaa shegtay inay kordhinayso lacagaha mushaarada ah ee 40 kun oo gini todobaadkii iyadoo wakilka Neymar Wagner Ribeiro uu sheegay in Chelsea ay kordhin doonto mushaarada Neymar oo ay gaarsiin doonto 55 kun todobaadkii isla markaana ay ka saxiixayso hishiis Shan sanno ah.

Wagner Ribeiro oo ah wakiilka xidiga Neymar ayaa sheegay in uusan arkin hishis ka qaalisan  kan Chelsea ay soo bandhigay isla markaana go’aanka ugu wanagsan ay leeyihiin qoyska Neymar.

Xidigaha Pele,Robinho iyo tababaraha cusub ee wadanka Braziil Mano Menezes ayaa ugu digay Neymar in uu ka tago wadankiisa Braziil iyagoo kula taliyay inuusan ku dag dagin ka ciyaaridda qaaradda yurub halka Pele aan dhihi karno waa mid ku qal qaalinaya xidiga Neymar inuu sii joogo kooxda iyo gudaha wadanka Braziil wuxuuna Pele horey ugu soo ciyaaray kooxda Santos

 

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com