|
Anelka oo si jees jees ah ugu jawaabay
ganaax isaga iyo saaxiibadiis ay dul dhigtay gudiga Anshaxa
Faransiiska

Anelka, sawirka dambe waa tababare Domenech
18.08.2010, deeyoo.com.
Gooldhaliyaha Chelsea Nicolas Anelka ayaa wax
lagu qoslo ku tilmaamay go`aan shalayto kasoo baxay gudi anshax
oo uu xiriirka kubada cagta Faransiiska u xilsaaray caabtii
xulka faransiiska ka raacday koobkii aduunka 2010 lagu qabtay
dalka Koofur Afrika.
Anelka ayaa lagu eedeeyey inuu aflagaado qaawan
u geystay macalinkiisa Raymond Domenech kaambiyada kulankii ay
la yeesheen qaranka Mexico inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn
kalmadihii uu isticmaalay maadaama isaga iyo saaxibadiisba
sheegeen hadaladii markii hore lagu daabacay saxaafada
Faransiiska ineysan aheyn wixii uu yiri Anelka.
Anelka ayaa fadeexadaas ka dib lagu qasbay inuu
ku laabto dalkiisa iyadoo xulkii qaranka Faransiiska ee uu
kabtanka u ahaa Evra sameeyeen ashtako ay ku diideen iney
tababarka qaataan taasoo weji gabax ku noqotay guud ahaan kubada
cagta faransiiska.
- Gudigan la sheegayo waa iska sheeko, waa wax
lagu shactareysto oo sidaan u qoslaayey baan bakhti rabay ayuu
yiri Anelka mar uu ka hadlayey aragtidiidsa ganaaxa looga
mamnuucay maaliyada qaranka.
- Aniga waxaan hore u sheegay in waqtigeyga
xulka qaranka uu dhamaaday 19 Juun markii la iga soo saaray
xulka sidaa darteed aniga ahaan go`aanka gudigaan waa mid aan
nuxur laheyn, waa iska ruwaayad lagu maaweelinaayo dadka si
qaranka Faransiiska hore ugu socdo isla markaana tababare
Laurent Blanc u helo bilow
cusub ayuu yiri Anelka.
Anelka, Evra, Ribery iyo Toulalan
Gudigan anshaxa ayaa Anelka ku ganaaxay inuu 18
kulan u safan karin qaranka halka
kabtankii waqtigaas Patrice
Evra 5 kulan, Franck Ribéry oo kabtan kuxigen ahaa ayaa la
ganaaxay 3 kulan iyadoo Jérémy Toulalan 1 kulan la ganaaxay.
Eric Abida oo diiday inuu safto kulankii ugu dambeeyey ee ay la
cayaarayeen qaranka Koofur Afrika ayaa ka badbaaday ganaaxa.
Qaar ka tirsan
xidigihii xulka Faransiiska ayaa eeda fadeexadii dhacday dusha
uga tuuray tababare iyadoo Evra gudigaan ku eedeeyey in
mudaaharaadkii ay ku diideen tababarka loo kala sooco
cayaaryahanada wuxuuna sheegay in dhamaantood ay isku dooni
saarnaayeen isla markaana aysan jirin cid lagu qasbay ka qeyb
qaadashada diidmada tababarkaas.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|