Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Ozil oo ku biiray Real Madrid, City oo lasoo wareegtay Milner iyo qubanayaal kale

17.08.2010, deeyoo.com.

Xidiga da`da yar Mesut Ozil ayaa maanta laga gaday kooxda weyn ee Real Madrid ka dib xusul duub ay kooxaha waa weyn ee Yurub ugu jireen saxiixa xidigaan.

Kooxda Werder Bremen ayaa horaantii todobaadkan diiday iney xidigan oo hal sano ka dib lacag la`aan uga tegi lahaa siisato 10 milyan oo euro iyagoo sheegay in cidii dooneysa ay miiska saarto 15 milyan oo euro hase yeeshee waqtiga oo sii dhamaanaya dartiis ugu dambeyn waxey ogolaadeen in meel dhex la isugu yimaado oo 2.5 milyan kasoo degaan.

Ozil oo 21 jir ah wuxuu kulankii ugu horeeyey ee horyaalka Jarmalka u saftay kooxda Schalke 04 isagoo 17 jir ah ka hor intii uusan usoo wareegin kooxda Werder Bremen.

Ozil wuxuu ka tirsanaa xidigihii dhalinta yaraa ee qaranka Jarmalka wacdaraha ka shiday koobkii kubada cagta aduunka sanadkan.

Ozil wuxuu kusoo biirayaa saaxiibkiis Sami Khedira oo laga keenay Stuttgart. Sidoo kale Ricardo Carvalho oo Chelsea ka yimid iyo Angel Di Maria oo Benfica laga soo gaday ayaa ka mid ah xidigaha tababare Mourinho doonayo inuu ku dhiso kooxda.

James Milner iyo Stephen Ireland

Kooxda Maal qabeenka ah ee Manchester City ayaa ugu dambeyntii lasoo wareegtay maskaxdii qadka dhexe ee Aston Villa James Milner iyadoo ay ugu kacday ku dhowaad 18 milyan oo geni.

Xidigan oo waayahan dambe ay aad ugu raad joogeen kooxda Man.City loona maleynayo inuu sabab u ahaa is casilaadii tababare Martin O`Neill ayaa ugu dameyn lasoo afjaray iyadoo cayaaryahan Milner uu maanta ku baasay baaritaanka caafimaad isla markaana uu qalinka ku duugay heshiiskan.

In Milner usoo wareego City waxey aheyd mid lasii sugaayey waxaana dhanka Aston Villa loo diray cayaaryahan Stephen Ireland oo tan iyo markii leylinta kooxda uu la wareegay Mancini aan inta badan garoomada lagu arkin.

Juventus iyo Jermaine Jenas

Xidiga uu magaciisa ku qoran yahay albaabka looga baxo garoonka White Hart Lane ee naadiga Tottenham Jermaine Jenas ayaa waxaa durbaba dalab si amah ah uu ugu yimid naadiga weyn ee wadanka Talyaaniga Juventus.

Xidiga caalamiga wadanka Ingiriska Jermaine Jenas ayaa waxaa la doonaya in si amah ah uu isaga tago kooxda iyadoo tababare Harry Rednknapp uu doonayo in kooxda uu si amaaah ah ugu diro xidigan ka hor inta suuqa uu xermin 31 bishan August.

Naadiga ugu guulaha badan horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa doonayso inay la wareegto laacibkiii hore ee kooxda New Castle Jermaine Jenas iyadoo horey u soo bandhigtay lacag dhan 10 milyan oo gini laakin waa laga diiday iyadoo Tottenham ay haatan diyaar u tahay inay si amah ah ku bixiso.

Wakiilo ka socda Jermaine Jenas ayaa wada hadal la qaaatay dhankooda kooxda Juventus isla markaana labada dhinac ay ka wada hadleen suura gal nimada in xidigaan Jermaine Jenas uu ku biro Juventus

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com