Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Chelsea oo rajo ka qabto in Ashley Cole lasii joogo, Neymar iyo David Luiz oo kusoo wajahan Stamford Bridge

xidigaha Chelsea

17.08.2010, deeyoo.com.

Kadib markii xidigaan ay qoreen warbaahinta wadanka Ingiriiska inuu ku biirayo kooxda Real Madrid isla markaana ay dhamaatay waayihiisa joogitaanka wadanka Ingiriska ayaa kooxda Chelsea waxay doonaysa inay ka hor istaagto xidigaan hankiisa ah inuu ku biro koxda Real Madrid.

Todobaadyadii lasoo dhaafay warbaahinta wadanka ingiriiska ayaa sheegay in bishan August uu xidigaas ku biirayo kooxda weyn eee wadanka Spain Real Madrid.

Ashley Cole ayaa wuxuu ku jiraa gacaan la mid ah waayihiisa kacdoonka uu ka ahaa Arsenal ka hor inta uusan kusoo biirin kooxda Chelsea waxaana Jose Morrinho uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Ashley Cole uu kacdoon ka noqdo naadiga Arsenal isla markaana uu ku biro Chelsea.

Mar kale ayuu xidigaan doonayaa inuu tago koox uu ku sugan yahay jose Morrinho oo ku sugan Real Madrid waxaana uu yahay mid si weyn u raba ka tagista wadanka Ingiriiska.

Marka laga soo tago in Jose Morrinho xidigaan uu dalbado mar kale inay dib u midooban ayaa sababaha ugu daran ee uu kaga tago Chelsea ay tahay isagoo ay is qabteen warbaahinta ingiriska oo caadaysatay inay ka hadlaan nolosha gaarka ah ee xidigaan isla markaana ay sababtay inay kala tagaan qofta uu ugu jeclaa ee jaceylkiisa Cheryl.

Waxaa kaloo u sii dheer in xidigaan uu niyad jab kala kulmay koobka aduunka markii xulkiisa Ingiriiska ay kaga soo haren koobka wareega 2-aad markaas oo saxaafadda qaar ay qoreen in Ashley ku mashquul sanaa arimihiisa gaarka ah ee Jaceyl iyo xal u helidda gabadha ay kala tageen ee Cheryl.

Tababaraha reer Talyaani ee Layliya kooxda Chelsea Carlo Anceloti ayaa waxaa uu ku adkaysanayaa in Ashley Cole uusan meel kaga soconin kooxda Chelsea,halka Morrinho uu sheegayo inuu dib mar kael u heli doono daafaca wanaagsan ee wadanka Ingiriiska Ashley Cole.

Ashley Cole oo 29 jir ah waxaa uu si weyn ugu hanqal taagayaa inuu ku biro kooxda Real halka Chelsea ay isku dayayso wax walbo uu ku qanci karo xidigaas.

Gudoomiyaha kooxda Chelsea Bruce Buck ayaa sheegay in Chelsea ay ka qeyb qaadan doonto in xidigaan uu kusoo laabto waayihiisa hore isagoo haatan ka hoos maray sida uu aha taasoo lagu micneyn karo in ay ka qeyb qaaadan  doonaan sidii Ashley Cole uu dib ugu heli lahaa gabadha Jaceylkiisa ah ee Cheryl.

“waxaa filayaa in Ashley uu wanagsannaan doono waana mid ku weyn kooxda waa mid aqlaaq wanagsan lehna caawinaad buuxda inagana ma doonayso inaan ka hadalno noloshiisa gaarka ah laakin waa taageeri doonaa sidii uu dib ugu heli lahaa noloshiisa gaarka ah ayuu yiri Bruce Buck oo ah gudoomiyaha kooxda Chelsea.

Wuxuu intaa raaciyay gudoomiya Bruce Buck ma u malaynayo nolosha laga waayo Ingiriska in laga helayo wadanka Spain ama Talyaaniga.

Ashley wuxuu go’aan saday inuu ka tago kooxda Chelsea sababo la xiririra dhibaato laso darastay noloshiisa gaarka ah isagoo ay kala tageen gabadha fanaanadadda ah ee Cheryl Cole horey loogu yeeri jiray laakin haatan loogu yeero kaliya Cheryl maadaama ay kala tageen Ashley Cole waxaana sabab u ahaa iyadoo warbaahinta Ingiriska ay qoreen warar sax ah oo ku aadan xiriir uu la sameeyay gabdho kale kuwaas oo ahaa warbixino wata sawiro.

Xidiga Neymar oo sheegay inuuu go’aan ka gaarayo ku biiristiisa kooxda Chelsea.

Xidiga ay kooxda Chelsea ay bartil maameedsanayso ee Neymar ayaa sheegay inuu maanta go’aansan ka gaari doono in uu ku biro iyo in kale kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka reer Braziil Naymar ayaa wada hadal la qaatay qoyskiisa xalay isagoo kala hadlay mustaqbalkiisa iyo suura galnimada aadistiisa kooxda Chelsea.

Kooxda leh Naymar ee Santos ayaa dalbanaysa in xidigaan 29 Milyan laga siiyo iyadoo ku hanjabtay in hadii Chelsea ay bixin wayso isla markaana ay isku daydo in si gooni ciyaaryahan Neymar u shukaansato ay Fifa u gudbin doonto dacwad dhan ka ah kooxda Chelsea.

Wakiilka Neymar Wagner Ribiero ayaa sheegay in Neymay uuu kulan la qaadanayo qoyskiisa isla markaana wada hadal la qaadan doono kooxdiisa Santos.

Gudoomiyaha Chelsea Bruce Buck ayaa si xoogan gaashanka ugu dhuftay wararka ay kooxda Santos ku sheegtay in xidiga Neymar si sharci daro wada hadal ay Chelsea ula furatay.

Kooxda Benfica oo 33 Milyan dul dhigtay David Luiz

Kooxda Benfica ayaa u sheegtay kooxda Chelsea hadii ay donayso xidigeeda David Luiz inay bixiso 33 Milyan oo gini.

Daafaca kooxda Benfica David Luiz  ayaa si weyn loola xiririnayaa Naadiga Chelsea kadib iibintii ay iska iibisay Ricardo Carvalho oo ku biiray Real Madrid.

David Luiz oo si weyn looga qiimeeyo horyaala La Liga Spain isla markaana ay doonayso kooxda Man City ayaa waxay Chelsea donayso inay ku buuxiso booska uu baneeyay Carvalho.

Gudoomiyaha kooxda Benfica Luis Filipe Vieira ayaa sheegay in lacagaha ay ku ilaabi karaan xidigaan ay tahay in ka badan 40 Milyan oo Euro isla markaana ay bixiso kooxdii doonayso ciyaaryahankas.

“ma doonayno in xidigaan aan iibino hadii ay dhacdo in aan iiibino waxaan ku iibinaynaa 33 Milyan oo gini ayuu yiri gudomiyaha kooxda Benfica Luis Filipe Vieira.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com