|
Seedorf oo diiday inuu qarankiisa u ciyaaro
tartanka qaramada Yurub

Seedorf
14.05.2008, deeyoo.com
Xidiga qadka dhexe ee AC Milan Clarence Seedorf ayaa ku
dhawaaqay inuu si ku meel gaar ah uga fariistay xulka qaranka
Holland isagoo sabab ugu dhigay inuusan la shaqeyn karin
macalinka qaranka Van Basten.
Seedorf oo qaranka laga reebay intii u dhexeysay 2004 ilaa
2006 isla markaana fursad u helin inuu safto koobkii aduunka ee
2006 ayaa mar kale lagu daray xulka isagoo qeyb ka ahaa kooxdii
Holland ee usoo baxdey qaramada Yurub hase yeeshee Seedorf ayaa
ka yaabiyey bulshada isboortiga markii uu shalay ku dhawaaqay
inuu si kumeel gaar ah uga fariistay xulka qaranka.
Tababare Van Basten ayaa dhowaan liis 30 ciyaaryahan ah oo uu
ku jiro Seedorf isagoo lama filaan ku tilmaamay go`aanka Seedorf
ku gaaray inuu ka fariistay xulka 3 todobaad ka hor bilowga
tartanka qaramada Yurub oo 7da bisha soo socota furmi doono.
Seedor oo hada 32 jir ah ayaa sheegay iney aad u adagtahay
inuu la shaqeeyo tababare Van Basten isla markaana mudadii uu
xulka qeyb ka ahaa uusan arkin sabab uu xulka ugu sii jiro
isagoo sheegay sababta uu go`aankan u qaatey ay tahay wanaaga
kooxda wuxuuna balan qaaday inuu mar kale xiran doono maaliyada
qaranka marka uu dhamaado qaramada Yurub hadii xulka lagu daro
xiligaas oo ah marka uu qaranka ka tegaayo tababare Van Basten
oo booska u baneynaya macalinka cusub Bert van Marwijk.
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Bayern Munich Mark van Bommel
ayaa isna hore u sheegay inuusan qaranka u ciyaari doonin inta
uu tababare u yahay Van Basten iyadoo intii uu socday koobkii
aduunkana uu qilaaf xoogan soo kala dhex galay Van Basten iyo
Nistelrooy taasoo sababtey in Van Nistelrooy xulka laga saaro
inkastoo markii dambe hadana dib loogu soo daray.
Seedorf wuxuu kulankiisii ugu horeeyey xulka u saftey
sanadkii 1994kii isagoo ka qeyb galay tartamadii qaramada Yurub
ee 1996, 2000 iyo 2004 iyo weliba koobkii aduunka ee 1998, wuxuu
qaranka Holland u saftey 87 kulan isagoo u dhaliyey 11 gool.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |