|
Ciise Dheere
oo helay ruqsadii ciyaaryahanimo, Ciise iyo kooxdiisa oo wada
barnaamij ay ku caawinayaan Soomaaliya

Ciise
11.05.2008, deeyoo.com
Ciyaaryahan Ciise dheere ayaa helay waraaqihii aqoonsiga
ciyaaryahanimo oo uu mudo u xayirnaa ka dib markii uu xiriirka
kubada cagta Norwey ku wergeliyey naadigiisa cusub ee Lillestrøm
inuusan u safan karin Ciise dheere illaa inta ay xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta X.S.K.C. usoo dirayaan waraaqihiisa
ruqsada.
Xiriirka kubada cagta Norwey N.F.F ayaa hada u fasaxay kooxda
Lillestrøm inuu u safan karo Ciise Dheere ka dib markii ay
waraaqihii aqoonsiga ciyaaryahanimo ka heleen XSKC taasoo ay aad
usoo dhoweeyeen kooxda Lillestrøm.
Arintaan ayaa ah mid aad loogu farxo hase yeeshee waxaa
nasiib darro ah in Ciise Dheere uu dhaawac soo gaaray xili uu la
aalamiinteynaayey (tababar la qaadanaayey) kooxda waqti yar uun
ka hor intii aan loo fasixin inuu u ciyaari karo sida uu noo
sheegay ciyaaryahanka mar aan qadka telefoonka kula xiriirnay
isagoo dhanka kalena niyad wanaag ka muujiyey dhaawaca soo
gaaray oo aan qatar aheyn uu rajeynaayo inuu si dhakhsi ah ugu
bogsado.
Ciise iyo kooxdiisa oo caawinaya
Soomaaliya.
Sida uu noo xaqiijiyey ciyaaryahan Ciise Dheere waxaa jira
barnaamij ay kooxda Lillesrtrøm ugu tala gashay iney ku
caawiyaan tuulada Hooyada iyo Dhalaanka SOS Soomaaliya taasoo la
qaban doono 14ka bishaan.
| - Waxaa xafladaas lagu gadi doonaa
Sawirada kooxda sanadkaan ee Lillestrøm iyo dhamaan
halyeeyadii iyo xidigihii soo maray kooxda mudadii ay
dhisneyd iyadoo barnaamijkan oo wejiyo badan leh
lacagaha kasoo baxa ay kooxda go`aansatey in loogu
tabaruco tuulada Hooyada iyo Dhalaanka SOS Soomaaliya
ayuu yiri Ciise Dheere oo aan wax ka weydiinay waxa uu
ku saabsan yahay barnaamijkan |

Ciise Dheere |
Sawirada ciyaaryahanada Lillestrøm ee sanadkan oo uu ku jiraa
Ciise Dheere ayaa runtii ah wax aad loogu farxo in sawirkiisa
lacagaha kasoo xarooda lagu caawiyo dadka u baahan ee dalkeena
Soomaaliya.
Tan iyo markii uu Ciise dheere ka mid noqdey kooxda waxaa aad
loo dareemayey muhiimada ay siinayaan ciyaaryahankan mustaqbalka
wanaagsan ku leh kubada cagta iyadoo kooxda ay dhowaan
tikidho lacag la`aan ah u qeybiyeen dadka ajnabiga ah ee ku nool
xeradii qaxootiga ee uu ku jiray Ciise dheere ka hor intii uusan
kusoo biirin naadiga.
Barnaamijkan weyn oo ay kooxda dhaqaale ugu ururineyso
tuulada SOS Soomaaliya waa arin taariikhi ah oo aan qalbiga
muwaadiniinta Soomaaliyeed ka go`doonin waxaana amaanteeda iska
leh ciyaaryahan Ciise dheere iyo kooxdiisa Lillestrøm waxaana
rajeyneynaa in Ciise Dheere uu muraayad iyo safiir u noqdo guud
ahaan bahda isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta
mustaqbalka ku leh ciyaarta kubada cagta waxaana u rajeyneynaa
guul.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa qaabka ay u dhacdo xafladaas
lagu taageerayo SOS Soomaaliya oo lagu wado iney ka dhacdo
xarunta dhaqanka kooxda Lillestrøm oo ku taala magaalada
Lillestrøm hadii Alle idmo.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |