|
Frank Rijkaard oo laga ceyriyey shaqadii tababaranimo ee
Barcelona

Rijkaard
09.05.2008, deeyoo.com
Tababaraha Barcelona Frank Rijkaard ayaa shaqadii
tababaranimo ee kooxda laga ceyriyey wax ka yar 24 saac markii
ay kasoo wareegtey weji gabixii uu kala kulmeen kulankii ay Real
Madrid la yeesheen oo lagaga adkaaday 4-1.
Mustaqbalka kooxda ee tababare Rijkaard ayaa calaamatul
su`aal la saaray waqti hore markii ay ku fashilmeen iney si adag
ula loolamaan kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid
iyadoo fursada keliya oo uu heystayna lumiyey markii uu ku
guuldareystey inuu Barcelona soo gaarsiiyo finaalaha Champions
League.
Kalsoonida ay ku qabeen taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa
maalinba maalinta ka dambeysa sii yaraaneysey illaa markii dambe
taageerayasha kooxda caado ka dhigteen iney hore u soo qaataan
maryo cad cad si ay u muujiyaan iney ka niyad jabeen
tababarahooda inkastoo 4 sano iyo bar oo uu la joogay kula
guuleystey labo horyaalka Spain ah iyo weliba hal Champions
League.
- Hogaanka kooxda waxey gudoonsadeen in tababare Rijkaard
uusan kooxda lasii shaqeyn doonin marka uu dhamaado horyaalka
xiligan isla markaana uu booskiisa buuxiyo oo uu tababare kooxda
usii noqdo Pep Guardiola ayuu yiri madaxa kooxda Barcelona Joan
Laporta sida ay warisey
AFP.
Guardiola waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii kusoo barbaartey
Barcelona isagoo markii dambane kusoo biiray kooxda heerka 1aad,
wuxuu kooxda kula guuleystey 6 horyaalka Span ah iyo hal
Champions League mudadii 11ka sano aheyd ee uu kooxda lasoo
qaatay, Guardiola wuxuu ka mid ahaa laf dhabarkii kooxda xiligii
uu ciyaarayey isagoo ahaa kabtanka kooxda hase yeeshee qibrad
badan uma laha xaga tababaranimada marka laga reebo hal sno oo
uu leylinayry kooxda heerka labaad ee Barcelona.
Warar hoose ayaa sheegaya in Rijkaard laga yaabo inuu usoo
wareego kooxda Chelsea hase yeeshee wey adkaan doontaa iney
sanadkan dhacdo hadii macalinka Chelsea Avram Grant Chelsea kula
guuleysto Champions League sanadkan oo noqon doona koodii ugu
horeeyey.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |