Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Arsenal oo gashay xaalad adag, halkee aadayaan Hleb iyo Adabayor

Hleb

09.05.2008, deeyoo.com

Naadiga Arsenal oo sanadkan soo soo bandhigtay ciyaar aad u qurux badan soona jiidatey indhaha caalmka ayaa hada u muuqata iney gashay xaalad adag maadaama xidigihii kooxda uu midba mar sii macsalaameynaayo una wareegaayo kooxo xaga dhaqaalaha ka gacan furan Arsenal.

Dhowaan ayey aheyd markii mishiinkooda qadka dhexe Flamini uu ku biiray kooxda Milan markii ay Arsenal ku fashilantan iney ka dhaadhiciyaan heshiis cusub oo uu kooxda la galo iyadoo la rumeysan yahay in ismaan dhaaf xaga dhaqaalaha ay sabab u aheyd ka tegitaankiisa kooxda inkastoo dad aad ugu dhodhow xidigan ay sheegeen in tababaraha Arsenal mr Wenger uu liiday Flamini maadaama uu la sugay in qandaraaska loo  kordhiyo ilaa sanadkii ugu dambeeyey markaasna uu ciyaaryahanka door biday inuu isna daneysto.

Waxaa aad loo rumeysan yahay in xidiga qadka dhexe Hleb uu isna raaci doono saaxiibkiis isagoo ku biiri doono qeybta kale ee magaalada Milano (Intar) sida uu qiray ninka wakiilka u ah ciyaaryahanka oo lagu magacaabo Nikolai Shpilevski.

- Aleksander Hleb waxa uu isku diyaarinayaa mid ka mid ah koox bedelkiisii ugu muhiimsanaa noloshiisa, wuu ka tegayaa Arsenal inkastoo ay usoo bandhigeen qandaraas iyo lacag kordhin, go`aankan waa mid aan dib looga noqoneynin labada todobaad ee soo socota ayeyna wax walba dhamaanayaan ayuu yiri Nikolai oo u waramayey wargeyska Pressball oo kasoo baxa dalkiisa Belaruus sida ay soo xigatey The Guardian.

Hleb waxa uu dhacayaa heshiiska uu kula jiro Arsenal 2010 hase yeeshee wuu ka tagi karaa kooxdiisa ka hor inta uusan dhamaan qandaraaskiisa sida uu qabo sharciga webster oo dhigaya in ciyaaryahan kasta uu gadan karo heshiiska uu kooxdiisa kula jiro hadii uu la joogo 3 sano ama ka badan isagoo bixinaya lacag u dhiganta mushaharkiisa waqtiga u haray oo lagu qiimeeye 3 milyan oo pound.

Arsen Wenger ayaa dhowaan balan qaaday inuu xoogiisa oo dhan isugu geyn doono sidii uu kooxda ugu heyn lahaa Hleb mar uu kula hadlayey taageerayaasha kooxda qeybta forumka ee arsenal.com.

Sidoo gool dhaliyaha Arsenal Adabayor ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday mushahar kordhin hadii kale uu kooxda isaga tagaayo, lacagta uu Adabayor dalbaday ayaa dhan 80.000 pound todobaadkii taasoo ah labalaab ka badan lacagta uu hada kooxda ka qaato.

Adabayor waxaa daneynayey kooxaha Milan iyo Barcelona oo qiyaastii lacagta uu hada dalbady diyaar la ah taasoo cadaadis weyn saareysa tababare Wenger oo sida la rumeysanyahay aan lacag intaas dhan mushahar ahaan u bixin doonin bedelkeeda hadii uu fasaxo Adabayor waxaa cadaadsi weyn kaga imaan doonaa taageerayaasha Arsenal oo weli ka samri la` fudeydkii uu ku dhaafay Flamini.

Adabayor laftigiisa ayaa beeniyey wararka sheegaya mushahar kordhinta uu dalbadey iyo hanjabaada ah inuu kooxda ka tegi doono hase yeeshee waxey u egtahay uun sidii uu arinta u qaboojin lahaa.

Warka keliya ee ay taageerayaasha Arsenal ku farxaan ayaa hada Bendtner Committed To Arsenal Despite Bayern Linkah in xidiga dhalinta yar ee reer Danmark Nicklas Bendtner uu si cad u sheegay in koxdiisa ay tahay Arsenal isla markaana uusan meelna uga socon ka sokow dalabaad wax ku ool ah oo ay la yimaadeen kooxaha Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich, Hamburg iyo Werder Bremmen.

- Marka aan xaqiiqdii eego sida uu xiligan ii ahaa runtii ma arko sabab aan Arsenal koox kale ugu bedesho ayuu yiri Nicklas Bendtner oo 20 jir ah.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore