|
Milan oo
kaalinta 4aad soo ciriirsatey isla markaana hakisey Inter

Inzaghi iyo Kaka
04.05.2008, deeyoo.com
AC Milan ayaa soo ciriirsatey kaalinta 4aad ee horyaalka
Talyaaniga oo mudooyinkaan dambe ay ku dadaalayeen bacdamaa ay
fursad u siineyso ka qeyb galka Champions League soo socda
markii ay 2-1 ku dhufteen kooxda ay isku magaalada yihiin ee
Inter.
Inter oo tan iyo markii uu bilowdey horyaalka aad loogu
saadaalinaayey iney ku guuleysan doonaan isla markaana hogaanka
u hayey horyaalka mudooyinkaan dambe ayaa weli xaqiijinin
hanashadooda horyaalka iyadoo 2 kulan oo keliya ay ka
harsantahay.
Roma oo illaaa iyo waqti soo daba taagneyd ayaan weli rajo
dhigin iyagoo kulankoodii maanta 3-0 ku dhuftey kooxda Sampdoria
waxeyna hada 3 dhibcood ka hooseeyaan kooxda Inter iyadoo 2
ciyaar ay weli ka harsantahay horyaalka.
Milan waxaa labada gool u kala dhaliyey Inzaghi iyo Kaka
halka goolka Inter uu dhaliyey Julio Cruz. Inzaghi ayaa goolkan
wuxuu u ahaa kiisii 9aad 5tii kulan ee ugu dambeysey wuxuuna
noqon doonaa ciyaaryahankii badbaadiyey hadii ay Milan
xaqiijiyaan kaalinta 4aad marka uu dhamaado horyaalka.
Inter waa iney badisaa labada kulan ee u hartey oo ay lakala
ciyaari doono Siena iyo Parma si ay u hanato horyaalkeedii 3aad
oo xiriir ah, hadii mid ka mid ah labadaas kulan laga badiyo
isla markaana ay Roma badiso kulamada u haray waxey noqonayaan
isku dhibco sida uu qabo sharciga lagu maamulo horyaalka
Talyaaniga hadii ay labo koox isku dhibco noqdaan waxaa lagu
kala saarayaa kulan kala bax ah (finaale) oo markaas kooxdii
badisaa ku guuleysan doonto horyaalka.
Kulamadii Todobaadkan:
| 04/05 |
| AC Milan - Inter 2-1 |
| Atalanta - Livorno 3-2 |
| Cagliari - Fiorentina 2-1 |
| Catania - Reggina 1-2 |
| Empoli - Udinese 0-1 |
| Lazio - Palermo 1-2 |
| Parma - Genoa 1-0 |
| Torino - Napoli 2-1 |
| Siena - Juventus 1-0 |
| Sampdoria - AS Roma 0-3 |
Kala horeynta Kooxaha:
| Inter |
36 |
24 |
9 |
3 |
65 |
24 |
81 |
| Roma |
36 |
23 |
9 |
4 |
69 |
35 |
78 |
| Juventus |
36 |
20 |
10 |
6 |
68 |
33 |
70 |
| AC Milan |
36 |
17 |
10 |
9 |
61 |
34 |
61 |
| Fiorentina |
36 |
17 |
9 |
10 |
51 |
38 |
60 |
| Udinese |
36 |
16 |
9 |
11 |
47 |
47 |
57 |
| Sampdoria |
36 |
16 |
8 |
12 |
51 |
43 |
56 |
| Genoa |
36 |
13 |
9 |
14 |
44 |
48 |
48 |
| SSC Napoli |
36 |
13 |
8 |
15 |
46 |
50 |
47 |
| Palermo |
36 |
12 |
10 |
14 |
45 |
53 |
46 |
| Atalanta |
36 |
11 |
12 |
13 |
49 |
54 |
45 |
| Siena |
36 |
9 |
15 |
12 |
36 |
41 |
42 |
| Lazio |
36 |
9 |
13 |
14 |
43 |
50 |
40 |
| Cagliari |
36 |
10 |
8 |
18 |
36 |
54 |
38 |
| Torino |
36 |
7 |
16 |
13 |
35 |
48 |
37 |
| Reggina |
36 |
8 |
12 |
16 |
33 |
54 |
36 |
| Catania |
36 |
8 |
11 |
17 |
31 |
43 |
35 |
| Parma |
36 |
7 |
13 |
16 |
41 |
57 |
34 |
| Empoli |
36 |
8 |
9 |
19 |
27 |
49 |
33 |
| Livorno |
36 |
6 |
12 |
18 |
34 |
57 |
30 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |