|
Real madrid
oo sanadkii labaad oo isku xiga hanatey horyaalka Spain

Xidigaha Real oo u dabaaldegaya horyaalka
04.05.2008, deeyoo.com
Real Madrid ayaa ku guuleysatey horyaalka dalka Spain iyadoo
weli 3 kulan ka harsantahay markii ay 2-1 ku dhufteen kooxda
Osasuna.
Real Madrid ayaa guushaan heshay daqiiqadihii ugu dambeeyey
ee ciyaarta xilli ay u muuqatey in ugu yaraan todobaad kale ay
sugi doonaan u damaashaadka horyaalka markii iyagoo ku ciyaaraya
10 gool rigoore ah uu ka dhaliyey ciyaaryahan Francisco Punal 8
daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta hase yeeshee goolal ay kala
dhaliyeen Arjen Robben oo madax ku dhaliyey iyo Gonzalo Higuain
labo daqiiqo gudeheed ayaa Real u saamaxay iney hantaan
horyaalka Spain.
Ciyaaryahanka difaaca uga dheela Real Madrid Cannavaro ayaa
labo jaalle qaatey isla markaana garoonka laga saarey wax yar
kadib markii nasashadii laga soo laabtey taasoo Real Madrid
culeys weyn saartey hase yeeshee gabagabadii muujisay iney
yihiin koox weyn markii ay kasoo laabteen 1-0 iyagoo banaanka ku
ciyaaraya isla markaana hal ciyaaryahan la dheer yahay.
Real madrid wuxuu horyaalkan u noqonayaa kii labaad oo isku
xiga iyo kii 31aad ee taariikhdooda waxaana la dhihi karaa in
sanadkaan ay u qalmeen hanashada horyaalka iyadoo la arkayey
kooxihii uu tartanka kala dhexeeyey oo midba mar tareenka kasii
tagaayey.
Real Madrid waxey guud ahaan urursatey 78 dhibcood 35 kulan
oo ay dheeleen halka kooxda kusoo xigta ee Villareal heystaan 68
dhibcood iyadoo 3 kulan oo keliyana ay ka hartey horyaalka.
Barcelona oo tartan kula jirtey Real Madrid ayaa waqti hore
ka hartey ku loolanka horyaalnimada markii ay iska wada
qasaariyeen fursad kasta oo ay heleen hase yeeshee waxey hada u
muuqdaan iney hurdadii ka keceen waqti dambe iyagoo kulankii
maanta 6-0 ku duugeen kooxda Valencia.
Goolasha Barcelona waxaa kala dhaliyey Messi, Xavi iyo min
labo gool oo ay kala dhaliyeen Henry iyo Bojan.
Todobaadka soo socda waxaa dhici doona kulankii weynaa ee El
Clasico oo dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Real Madrid
inkastoo sidii la filayey uusan u qiime badnaan doonin maadaama
kulankan oo la filaayey inuu noqon doono finaale ku soo aaday
xilli Real Madrid xalaaleysatey horyaalnimada Spain.
Real Madrid waa kooxda ugu koobabka badan kooxaha Yurub
iyagoo ku guuleystey 31 horyaalka Spain, 17 koobka koobabka, 9
horyaalka kooxaha Yurub (Champions League) iyo 2 koobka UEFA.
Kulamadii todobaadkan:
Almería - Betis 1-1
Athletic Bilbao - Mallorca 1-2
Barcelona - Valencia 6-0
Levante - Espanyol 1-1
Osasuna - Real Madrid 1-2
Racing Santander - Murcia 3-2
Sevilla - Valladolid 2-0 (
Villarreal - Getafe 2-0 (
03.05:
Atletico Madrid - Recreativo Huelva 3-0
Zaragoza - Deportivo La Coruña 1-0
Kala horeynta kooxaha
| Real Madrid |
35 |
25 |
3 |
7 |
73 |
- |
31 |
78 |
| Villarreal |
35 |
21 |
5 |
9 |
57 |
- |
40 |
68 |
| Barcelona |
35 |
18 |
10 |
7 |
68 |
- |
33 |
64 |
| At. Madrid |
35 |
17 |
7 |
11 |
62 |
- |
44 |
58 |
| Rac. Santander |
35 |
16 |
8 |
11 |
41 |
- |
38 |
56 |
| Sevilla |
35 |
17 |
4 |
14 |
66 |
- |
48 |
55 |
| Mallorca |
35 |
12 |
14 |
9 |
61 |
- |
49 |
50 |
| Almeria |
35 |
13 |
10 |
12 |
37 |
- |
38 |
49 |
| Dep. La Coruna |
35 |
14 |
7 |
14 |
45 |
- |
44 |
49 |
| Espanyol |
35 |
13 |
9 |
13 |
42 |
- |
46 |
48 |
| Ath. Bilbao |
35 |
12 |
10 |
13 |
37 |
- |
38 |
46 |
| Betis |
35 |
12 |
9 |
14 |
43 |
- |
47 |
45 |
| Valencia |
35 |
12 |
6 |
17 |
39 |
- |
60 |
42 |
| Valladolid |
35 |
11 |
9 |
15 |
40 |
- |
55 |
42 |
| Getafe |
35 |
11 |
9 |
15 |
39 |
- |
45 |
42 |
| Zaragoza |
35 |
10 |
11 |
14 |
46 |
- |
55 |
41 |
| Recreativo |
35 |
10 |
10 |
15 |
37 |
- |
57 |
40 |
| Osasuna |
35 |
11 |
7 |
17 |
34 |
- |
40 |
40 |
| Murcia |
35 |
7 |
9 |
19 |
31 |
- |
56 |
30 |
| Levante |
35 |
7 |
5 |
23 |
30 |
- |
64 |
26 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |