Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

 Soomaliya oo ka hartay cayaaraha tartanka junyarka qaarada afrika

 

 Kulan aad u xiiso badan oo u dhaxeeyay xulalka Somaliya iyo Kenya ayaa waxa ay ka dhacday garoonka weyn ee Nakiyaya Styaduiom ee dalka Kenya.

Ciyaartan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka qaramada qaarada Afrika xidigahooda ay da'doodu ka hooseyso 20-sano, ayaa waxay ay cayaartan aheyd lugtii labaad ee tartankaasi oo ay xulalkani yeeshaan.

 Kulankan yaa waqtigii loogu talo galay ku dhamaatay 2-1 oo ay ku adkaadeen xulka dalka Kenya taasoo ka dhigeysa in waqti dheeri lagu daro maadaama lugtii koowaad Somaliya ku soo adkaatay 2-1 balse markii waqtigii dheeriga ahaa ayay isla dhaafi waayeen natiijo barbar dhac ah, balse markii ay cayaartii ku qasbanaatay in Rigoore la dhigo ayaa waxa ay guushii raacday dalka Kenya kadib markii mid ka mid ah ciyaaryahanada Soomaaliya uu qasaariyay mid ka mid ah shantii Rigoore waxayna Natiijadii noqotay 5-4

 Xulka wadanka Somaliya ayaa guul weyn ka gaaray mudo labaatan sanadood ah lugtii kowaad ee ciyaarahan oo ka dhacday dalka Djabuti, taasoo wadanka Somaaliya u aheyd Home-Game, ama cayaar ay ku cayaareyso dalkeeda oo kale.

 Xidigaha xulka Soomaaliya ayaa markii ay ka dageen garoonka weyn ee Jome-Kinyato ee magaalada Nirobi, ayaa mudo saacado ah waxay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha sababo la xiriiray dhanka Viisaha oo aysan helin balse markii dambe loogu dhex keenay garoonka diyuuradaha gudihiisa kadib markii ay ka shaqeeyeen masuuliyiinta safaarada dalka Somaliya ku leedahay dalka Kenya gaar ahaan safiirka Somaliya ee dalka Kenya Cali Ameriko.

 Xog-hayaha xiriirka ayaa si weyn ugu mahad celiyay masuuliyiinta dowlada kmg ka tirsan ee gacanta ka geystay fududeynta howlahooda la xiriira dhanka Viisaha iyadoo sidoo kale ka hor intaysan bilaaban cayaarta, Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa ugu baaqay dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay dhiiri geliyaan kana qeyb galaan cayaartaasi si ay niyad u helaan ciyaaryahanada mataleysa Dalka Somaliya.

 Natiijooyinka kale ee tartankan Under-20 ah ayaa waxa ay ku soo dhamaadeen isku geynta labada kulan oo xulal kasta ay cayareen.


Algerie v Mauritania (0-1)
Senegal v Sierra Leone (1-1)
Zimbabwe v Lesotho (0-1)

Burundi v Malawi (2-1)
Uganda v RD Congo (0-0)
Botswana v Namibia (1-1)

Mozambique v Reunion (2-2)
Liberia v Guinea (0-1)
Libya v Niger (0-2).

 

Xafiiska deeyoo.com

Muqdisho-Somaliya

Aweys Macalin Maxamed

 

deeyoo_admin@hotmail.com.

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore