|
madaxda
ugu sareeysa xiriirka k/cagta soomaliyeed ayaa lagu wadaa in ay
gaaraan Dalka Australia.

deeyoo.com,
10.05.08
Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo
guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta Saciid Max'ed
Nuur Muqaambe,xog-hayaha xiriirka Soomaliyed k/Cagta C/qani
saciid iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee xiriirkasi Salaad
Gaab ayaa waxaaa ay ku sii jeedaan dalka Australia iyagoo ka
qeyb qaadanaya kulan lagu balan san yahay in uu ka dhaco
dalkaasi.
Kulankaan oo
ah shir sanadedka FIFA ee xiriirka K/cagta Adduunka ayaa
sanadkaan waxaa ugu qeyb galaya saddexdaan mas'uul ee sar sare.
bixitaankaan ayaa waxaa uu ku soo begmayaa xilli lagu waday in
xilka laga qaado dhamaan madaxda xiriirka isla markaana kooxaha
ay doortaan gudoomiye cusub iyo xiriir cusub oo uu lahaado dalka
Soomaliya.
Ilaa 23 naadi ayaa waxaa ay ku balan sanaayeen in ay xil ka
qaadis ay ku sameeyaan madaxda xiriirka dhamaan marka laga reebo
xog-hayaha xiriirka oo uu sharciga qabo in uu sii wado
howlihiisa ilaa laga dooranaaayo xog-haye cusub.
kulankaan oo lagu waday in uu ka dhaco Hotel Jiddah ayaa waxaa
ku yimid dib u dhac.waxana suura gal ah in uu dhaco maalmaha soo
aadan.
Xafiiska deeyoo.com
Muqdisho-Somaliya
Aweys Macalin Maxamed
aweysmukay78@hotmail.com
deeyoo_admin@hotmail.com.
|