Alexandre Pato oo weli 18 jir ah ayaa mar kale soo jiitay
indhaha caalamnka markii uu gool qurux badan dhaliyey
kulankiisii ugu horeeyey ee qaranka Brazil mar ay xulkiisa 1-0
ku dhufteen qaranka Swedan kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay
garoonka Arsenal ee Emirates.
Pato oo kulankaan bedel kusoo galay waxey ku qaadatey 12
daqiiqo oo keliya inuu dhaliyo goolkiisa ugu horeeyey ee xulka
qaranka isagoo horena laf dhabar u ahaa xulka da`da yar
(junyarka) Brazil ee ku guuleystey koobkii junyariska ee Latin
America sanadkii hore.
Alexandre Rodrigues da Silva oo ku magac dheer Pato
waxa uu ku dhashay deegaanka Pato Branco ee magaalada
Parana isagoo lagu naaneesey magaaladii uu ku dhashay ee Pato,
inkastoo weli uu ku jiro bilowga mustaqbalkiisa ciyaaraha hadana
wuxuu ku guuleystey koobka kooxaha aduunka "Toyota Cup" oo ay
kooxdiisa Internacional 1-0 finaalhii kaga badiyeen kooxda weyn
ee Barcelona disembar 2006 xiligaas oo uu Pato ahaa 17 jir, isla
tartankaas ayuu Pato bog cusub u furay mustaqbalkiisa ciyaaraha
isagoo jabiyey iskoor uu Pele hore u heystey 48 sano oo ahaa
ciyaaryahanka ugu da`da yar ee gool ka dhaliyo tartan caalami ah
oo ay FIFA aqoonsantahay markii uu gool ka dhaliyey kooxda reer
Masar ee AL-AHLY semifinaalhii tartankaas.
Tababaraha xulka Brazil Dunga ayaa kulankii Swedan ka dib
sheegay inuu Pato soo xusuusinayo Ronaldo xiligii uu da`yaraa
dhanka farsamada iyo weliba dhameystirka, marka aad fiirisid
da`da Pato iyo guulaha uu gaaray bilowga mustaqbalkiisa
ciyaaryahanimo ma aha wax lala yaabo in dad badan oo ciyaaraha
ka faalooda ay ku mitaalaan Pato boqorka kubada cagta Pele ama
Ronaldo oo ah ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee
ciyaaryahan ka dhaliyo tartanka koobka aduunka.
Mucjisada Pato Marka laga soo tago orodkiisa, xirfadiisa iyo weliba
dhameystirkiisa waxaa runtii laga sii arki karaa mucjisada Pato
isagoo goolal ka dhaliyey kulankiisii ugu horeeyey ee kooxdiisii
hore Internacional, kulankiisii ugu horeeyey ee junyarka Brazil,
kulankiisii ugu horeeyey ee AC Milan iyo weliba kulankiisii ugu
horeeyey ee xulka Brazil.
Ma aha wax lala yaabo in ciyaaryahan hada uun galey 18 sano
uu boos ka xirto kooxda faca weyn ee Milan isagoo 6 gool oo
serie A u dhaliyey Milan wixii ka dambeeyey Bishii Janaayo.
Pele, Zico, Ronaldo, Ronaldinho waxey u muuqataa in Pato uu
saf la geli doono xidigaha reer Brazil iyadoo dadka aadka u
taageerana ayba aamin sanyihiin in magaca Pato uu kusoo xigsan
doono Pele inkastoo ay adag tahay in waayahan la arko
ciyaaryahan ka wanaagsan Ronaldo.