Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Kooxaha safka hore ee Talyaaniga oo midkoodna uusan badin

Pirlo

31.03.2008, deeyoo.com

Kooxaha safka hore kaga jira kala horeynta horyaalka Talyaaniga ayaa ku guu dareystey iney badiyaan kulamadii todobaadkan ee Serie A marka laga reebo Juventus oo kulankii ay la yeelan lahaayeen Parma la baajiyey markii taageere Parma ah uu  Bas dardarey ka dibna geeriyoodey.

Kooxda hogaanka heysa ee Inter oo todobaadkii hore laga badiyey dhowaantana ka hartey koobka Champions League ayaa mar kale ku guuldareysatey iney ka badiyaan kooxda Lazio oo ay barbardhac 1-1 isla dhaafi waayeen, Roma oo labaad ku jirta ayaan ka faa`iideysan fursadaan iyagoo dhankoodana bareejo 1-1 ah la galay Cagliari waxaase natiijada ciyaarta uga naxdin badneyd kabtankooda Totti oo ka dhaawacmay kulankaan isla markaana wararka kasoo baxaya kooxda Roma waxey sheegayaan in Totti kulanka weyn ee ay la yeelanayaan todobaadkan kooxda Manchester United oo ka maqnaan doono dhaawacan dartii.

Kooxaha Fiorentina iyo Milan oo kaalinta 4aad ku tartamaayey ayaa labadaba laga badiyey, Milan waxaa garoonkooda 1-2 ugu awood sheegatey kooxda Atalanta taasoo ka dhigeysa Milan in horyaalka sanadkaan ay 15 kulan oo ay garoonkooda ku ciyaareen ay badiyeen 4 kulan oo keliya, ciyaaryahan Pirlo ayaa kooxdiisa ka qasaariyey rigoore dhamaadkii ciyaarta natiijadaan ayaa shaki weyn sii gelineysa mustaqbalka kooxda ee tababare Ancelotti, Fiorentina waxaa 3-1 ku dharbaaxdey Udinese oo hada kaalinta 5aad soo gashay iyagoo 3 dhibcood oo keliya usoo jirsadey Fiorentina isla markaana kusoo biirey kooxaha tartanka xoogan ugu jira kaalinta 4aad oo fursad u siineysa kooxdii gasha ka qeyb galka Champions League iyagoo Milan ku riixay kaalinta 6aad. Sampdora ayaa sidoo kale iska soo xaadirisey ku tartanka kaalinta 4aad markii ay 2-0 ugu itaal roonaadeen kooxda Empoli isla markaana xaga dhibcaha lasoo sinaadeen Milan oo ay min 49 dhibcood wada leeyihiin.

Kulmadii Todobaadkan

Kala horeynta kooxaha

29.03.08
Cagliari Roma 1 - 1
Lazio Inter 1 - 1
30.03.08
AC Milan Atalanta 1 - 2
Catania Torino 1 - 2
Empoli Sampdoria 0 - 2
Genoa Reggina 2 - 0
Juventus Parma
Livorno Siena 0 - 0
Udinese Fiorentina 3 - 1
Napoli Palermo 1 - 0

 

Inter 31 20 9 2 69
Roma 31 19 8 4 65
Juventus 30 16 10 4 58
Fiorentina 31 15 8 8 53
Udinese 31 14 8 9 50
AC Milan 31 13 10 8 49
Sampdoria 31 14 7 10 49
Genoa 31 11 9 11 42
Atalanta 31 10 11 10 41
Napoli 31 11 7 13 40
Lazio 31 9 11 11 38
Siena 31 8 12 11 36
Palermo 31 9 9 13 36
Torino 31 6 16 9 34
Parma 30 6 11 13 29
Catania 31 6 11 14 29
Livorno 31 6 11 14 29
Reggina 31 5 12 14 27
Cagliari 31 7 8 16 26
Empoli 31 6 8 17 26

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore