Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

C.Ronaldo oo la celin la`yahay, Arsenal oo kusoo noqotey wadadii guusha

Rooney & Evra

30.03.2008, deeyoo.com

Man.United ayaa weli si xarago leh ku hogaamineysa horyaalka Ingiriiska markii ay ku baashaaleen kooxda Aston Villa oo ay 4-0 kaga adkaadeen.

C.Ronaldo ayaa goolkii hore ee Manchester United oo aad u qurux badnaa shabaqa la helay markii uu cirib ku dhaliyey, goolkan ayaa aha kii 26aad uu Ronaldo sanadkan ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska isagoo hogaanka u haya tartanka gool dhalinta horyaalka Ingiriiska una muuqda in sanadkan uu ku guuleysan doono abaal marin kasta oo qaali ah oo uu ciyaaryahan ku guuleysto hadii ay noqon laheyd gudaha dalka Ingiriiska, qaarada Yurub amaba guud ahaan aduunka.

Goolasha kale ee Man.United waxaa kala dhaliyey Rooney Weyne oo 2 dhaliyey iyo Carloz Tevez .

Arsenal ayaa kusoo noqotey kaalinta 2aad markii ay ciyaar aad u xiisa badneyn oo ay labada koox kala lahaayeen 2da qeybood ee ciyarta 2-3 kaga soo badiyeen kooxda Bolton.

Markii ay dhamaatey qeybtii hore ee ciyaarta waxey u muuqatey in Arsenal mar kale guul la`aan garoonka ka bixi doonaan maadaam lagu hogaaminaaey 2-0 isla markaana garoonkoona laga saarey ciyaaryahan Abou Diaby oo guduud lasiiyey markii uu taako aad qatar u aheyd la helay ciyaaryahan Gretar Svensson markii ay ciyaarta socotey 30 daqiiqo.

Markii nasashada laga soo laabtey ayey Arsenal oo koox kale la moodo garoonka kusoo noqdeen iyagoo goolkoodii 1aad ee ciyarta uu u hdlaiyey kabtankooda Gallas nus saac ka hor dhamadkii ciyaarta iyadoo labada gool oo kalena ay kala dhaliyeen van Persie (rigoore) iyo Fabregas oo daqiiqadii 90aad dhaliyey goolkii guusha.

Arsenal kulankaan ka hor waxey guul la`aan garoonka ka bexeen 5 kulan oo xiriir ah iyagoo markii ugu dambeeyey ee ay badiyaan kulankaan ka hor uu ahaa kii ay Blackburn 2-0 kaga badiyeen 11 Febraayo ee sanadkan.

Chelsea ayaa kaalinta labaad mar kale soo geli karta hadii ay ka badiyaan kulanka ay maanta la balan sanyihiin kooxda Middlesbrough.

Kulamadii Todobaadkan Kala horeynta kooxaha
Birmingham - Man. City 3-1

Bolton - Arsenal 2-3

Derby - Fulham 2-2

Portsmouth - Wigan 2-0

Reading - Blackburn 0-0

Sunderland - West Ham 2-1

Man. United - Aston Villa 4-0

Kulamada maanta

Tottenham - Newcastle 

Liverpool - Everton

Chelsea Middlesbrough

 

Manchester U. 32 24 4 4 76
Arsenal 32 20 10 2 70
Chelsea 31 20 8 3 68
Liverpool 31 16 11 4 59
Everton 31 17 6 8 57
Portsmouth 32 15 8 9 53
Blackburn 32 13 11 8 50
Aston Villa 32 13 10 9 49
Manchester C. 32 13 10 9 49
West Ham 32 12 8 12 44
Tottenham 31 10 9 12 39
Middlesbrough 31 8 10 13 34
Sunderland 32 9 6 17 33
Reading 32 9 5 18 32
Newcastle 31 8 8 15 32
Wigan 32 8 7 17 31
Birmingham 32 7 9 16 30
Bolton 32 6 8 18 26
Fulham 32 4 12 16 24
Derby 32 1 8 23 11

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore