Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Warakii ugu dambeeyey ee suuqa kala gadahsada ciyaartoyda

28.03.2008, deeyoo.com

Jose Antonio Ryes ayaa loo maleynayaa inuu mar kale kusoo noqdo horyaalka Ingiriiska iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda ay maalmahaan aadka uga jajabantahay ee Newcastle ay aad u doonayaan ciyaaryahankan oo 3 sano hore ula soo qeybsadey kooxda Arsenal.

Ryes oo waqti adag kusoo qaatey Ingiriiska isla markaana sababta uu u doorbiday inuu ku noqdo Spain ku sharaxay isagoo ay ku cuslaatey la qabsiga hawada iyo nolosha Ingiriiska ayaan la ogeyn sida uu hada ula qabsan doono hase yeeshee waxaa cad in Ryes uu hada ku qasbanyahay inuu u dulqaato wax kasta si uu mar kale usoo ceshto qiimihii uuku lahaa kubada cagta maadaama koxdii uu ku hami weynaa ee R.Madrid boos uu ka waayey kooxdii kale ee uu u wareegay ee A.Madridna uu bakiin ka galay.

******      ******      ******

Iván Corretja oo wakiil u ah xidiga Barcelona Xavi Fernandez ayaa Agent Denies Chelsea Contact Over Xavibeeniyey iney jiraaan wadahadalo dhex marey isaga iyo Chlesea is Xavi ugu wareego bartamaha sanadkan iyadoo wargeysyada Spain qaarkood ay qoreen in wadahadlo mira dhal ah dhex mareen labada dhinac.

- Wey jiraan in labadii sano ee lasoo dhaafey dalabaadyo aan toos aheyn nasoo gaarayeen hase yeeshee ma jirto dalabaad toos ah oo naga soo gaarey Chelsea, Xavi wuxuu qandaraas kula jiraa Barcelona illaa 2012 waqti xaadrikaana aad buu ugu faraxsanyahay kooxda marka hadiiba uu kooxda ka tagayo waxaa go`aankeeda iskaleh Barcelona ayuu yiri Iván Corretja.

******      ******      ******

Vincenzo Iaquinta ayaa ugu mahad celiyey kooxda Roma dadaalka ay ugu jiraan inuu kooxda kusoo biiro isagoo dhanka kalena si cad ugu sheegay ineysan qorshaha ugu jirin inuu ka tago kooxdiisa Juventus.

Warar laga helay saraakiil labada koox ayaa sheegayey in labada koox ay isku afgarteen iney kala bedeshaan Vincenzo Iaquinta ooIaquinta Has No Barcelona Regrets Juventus ah iyo Amantino Mancini oo Roma ah oo midba kooxda kale uu aado.

Sababta kala bedelka labadan ciyaaryahan ayaa lagu macneeyey in Mancini iyo kooxdiisa Roma ay weli isla meeldhigi la`yihiin in loo kordhiyo  qandaraaska uu kooxda kula jiro iyadoo dhanka kalena Laquinta uu maalmahaan boos toos ah ka waayey kooxdiisa Juventus isla markaana uu tababaraha Roma u arko ciyaaryahan aad ugu haboon qaabciyaareedka Roma, kala bedelkaan ayaa hadii uu dhaco waxey labada kooxba u arkaan mid ay dani ugu jirto.

******      ******      ******

Kooxda Juventus ayaa soo gashay liiska kooxaha daneynaya ciaaryahan Gabriel Obertan oo u dheela kooxda Bordeaux lehna qaab-ciyaareed aad ugu dhow kan Thierry Henry oo dad badana ay waqtigaan ku naaneesaan Henry-ga cusub.Juve To Challenge Madrid For Henry's Heir

Juventus ayaa u muuqata iney sanadkan gaareen hamigooda oo ahaa iney ka mid noqdaan 4 koox ee ugu koreysa si ay fursad ugu helaan ka qeyb galka Champions League waxeyna bilaabeen isku diyaarinta tartankaas iyagoo sii calaamadeystey dhowr ciyaaryahan oo ay kooxda kusoo kordhiyaan.

Juventus ayaa lasoo sheegayaa iney diyaar u tahay dagaal xagga jeebka ah oo ay la gasho Real Madrid oo dhankooda hore u shaacisey liiska ciyaaryahanada ay qorsheynayaan oo uu Gabriel Obertan ka mid ahaa.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore