|
Beckham oo kulankiisii 100 saftey
iyo natiijooyinkii kulamadii saaxiibtinimo

Beckham
27.03.2008, deeyoo.com
Kabtankii hore ee qaranka Ingiriislka David Beckham ayaa guul
darro dhabarka loo saariyey kulankiisii 100 markii qaranka
Faransiiska uu 1-0 ugu awood sheegtey kulan saaxiibtinbimo oo uu
faransiiska isugu diyaarinaayey tartanka qaramada Yurub oo
bartamaha sanadkan ay si wada jir ah u marti gelin doonaan
dalalka Austria iyo Switzerland.
Goolka ay qaranka Faransiiska ku badiyeen oo rigoore ahaa
waxaa u dhaliyey ciyaarayhan Ribery oo ka jajabiyey Beckham oo
kulankaan ka dib ku biirey liiska ciyaaryahanada qaranka
Ingiriiska ee saftey 100 kulam iyo ka badan.
Beckham oo kulankaan ka mid ahaa xidigihii ugu cadcadaa
garoonka ayaa ciyaarta ka dib sheegay inuu usii ciyaari doono
qaranka illaa iyo koobka aduunka 2010 hadii uu fursad u helo
inkastoo tababraha qaanka Ingiriiska Capello uusan wax balan
qaad ah sameyn inuu Beckham qaranka boos uga banaanyahay
inkastoo uu muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay ciyaartii
Beckham.
Ciyaaryahanada kale ee qaranka Ingiriiska u saftey 100 kulam
ama ka badan waxey kala yihiin:
1- Goolhaye Peter Shilton oo 125 kulan saftey
2- Bobby Moore oo 108 kulan saftey
3- Bobby Charlton oo 106 kulan saftey
4- Billy Wright oo 105 saftey iyo
5- David Beckham oo kulankiisii 100 xalay saftey.
Kulamadii kale ee saaxiibtinimo ee xiisaha lahaa waxaa ka mid
ahaa kulankii dhexmarey dalalka Spain iyo Talyaaniga oo
gabagabadii noqotey Spain oo 1-0 ku badisey iyadoo goolka guusha
oo aad u qurux badnaa uu u dhaliyey Spain xidiga maalmahaan
shidan ee David Villa.
Gooldhaliyaha da`da yar ee Milan Pato ayaa goolka guusha u
dhaliyey qaranka Brazil oo 1-0 ku dhuftey qaranka Swedan xilli
ay u dabaaldegayeen sanad guuradii 50aad ee kasoo wareegtay
finaalihii koobka aduunka 1958 markaasoo Brazil 5-2 kaga badisey
Swedan isla markaana ay markii ugu horeysey ku guuleysteen
koobka aduunka.
Dalka marti gelin doono tartanka qaramada Yurub ee Austria
ayaa nuskii saac ee ugu horeysey ciyaarta ka yaabsadey qaranka
Holland oo ay 3-0 ku hogaaminayeen hase yeeshee wixii markaas ka
dambeeyey waxaa maamulkii ciyaarta la wareegay Holland oo markii
dambe 4-3 ku badisey.
Dalka kale ee isna wax ka marti gelinaayo qaramada Yurub ee
Switzerland ayaa kulan is kululeyn ah la dheelay dalka awooda ku
leh kubada cagta ee Jarmalka taasoo si fudud uu Jarmalka 4-0 ugu
guuleustey.
Qaranka Portugal ayaa helay fursad ay kaga aargoosan karaan
ceebtii ka raacdey finaalihii qaramada yurub ee 2004 oo ay marti
gelinayeen oo xulka Giriiga 1-0 kaga badiyey koobkiina ku qaatey
taageerayaashii Bortoqiiska ee isku diyaarinaayey dabaal dega
guusha kobka hase yeehsee mar kale ayey giriiga guul daro
dhabarka u saariyeen xulka Portoqiiska oo gurigooda lagu
ciyaarayey markii ay 1-2 kaga soo badiyeen.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |