|
Real Madrid oo gashay xilli adag,
Barcelona oo ka faa`iideysatey
Goolkii Bojan Krkic
24.03.2008, deeyoo.com
Horyaalka Spain ayaa yeeshay weji cusub markii ay Barcelona
4-1 ugu awood sheegteen Valladolid halka kooxda hogaanka heysa
ee Real Madrid 2-3 kaga adkaatey kooxda Valencia natiijadasoo
farqiga xaga dhibcaha ee labada koox u dhexeeya ka dhigtay 4
dhibcood oo keliya iyadoo weli 9 kulan ka harsantahay horyaalka
Spain.
Real Madrid oo garoonkooda lagu ciyaaraayey ayaa waxaa gool
kaga naxsadey David Villa daqiiqadii 33aad hase yeeshee waxaa
markiiba u jawaabay Raul oo gool barbardhac ah u dhaliyey
koxdiisa isagoo goolkiisii labaad ee kulankaana dhaliyey 10
daqiiqo ka dib markii laga soo laabtey nasashada markaasoo ay
tageerayaasha Real Madrid u qaateen iney 3da dhibcood la hoyan
doonaan.
David Villa ayaa isna goolkiisii 2aad ee kulankan dhaliyey
daqiiqadii 67aad ee ciyaarta markii uu Cannavaro gudaha xerada
ganaaxa ku jilaafey Villa garsoorihiina uu rigoore u dhigay.
Ciyaaryahanada Real ayaa bilaabay iney weeraro aan kala joogsi
leheen ku qaadaan goolka Valencia hase yeeshee sida inta badan
dhacda fursado badan ay iska qasaariyeen ayaa loo ciqaabay
waxaana daqiiqadii ugu dambeysey ee ciyaarta gool kaga naxsadey
Arizmendi oo gabagabadii ciyaarta ka dhigay 3-2 oo ay Valencia
guushii ku raacdey.
Barcelona oo markaan ka faa`iideysatey guuldarada loo
saariyey Real ayaa 4-1 ku dharbaaxdey Valladolig isla markaana
aad ugu soo dhowaatey Real, goolasha Barcelona waxaa kala
dhaliyey Samuel Eto`o, Iniesta iyo Bojan Krkic oo xidigii
garoonka ahaa oo labo gool dhaliyey.
Real Madrid ayaa hada u muuqata iney gashay xaalad adag
maadaama ay dhowaan ka hareen Champions League isla markaana
horyaalka Spain oo ay si weyn u hogaaminayeen oo aad usoo
yaraanayo farqiga xaga dhibcaha ee u dhexeeya iyaga iyo kooxda
labadka ku jirta ee Barcelona.
| Kulamadii
Todobaadka |
Kala horeynata Kooxaha |
| 23/03 |
| A.Bilbao - Getafe
1-0 |
| R. Madrid -
Valencia 2-3 |
| Murcia - Espanyol
4-0 |
| Barcelona -
Valladolid 4-1 |
| Levante -
Villarreal 1-2 |
| Osasuna - Real
Betis 0-1 |
| Santander -
Recreativo 2-0 |
| Zaragoza -
Almeria 1-1 |
| 22/03 |
| Sevilla - A.
Madrid 1-2 |
| Mallorca -
Deportivo 1-0 |
Kulamada xiga:
| 29/03 |
|
R. Betis - Barcelona |
|
Villarreal - A.Madrid |
| 30/03 |
|
Almeria - Levante |
|
Espanyol - R. Santander |
|
Getafe - Osasuna |
|
Recreativo - A.Bilbao |
|
Valencia - Mallorca |
|
Valladolid - Zaragoza |
|
Dep. La Coruña - Murcia |
|
Real Madrid - Sevilla |
|
| 1 |
Real Madrid |
29 |
61-28 |
62 |
| 2 |
FC Barcelona
|
29 |
58-26 |
58 |
| 3 |
Villarreal |
29 |
49-37 |
56 |
| 4 |
Atletico Madrid
|
29 |
50-33 |
50 |
| |
| 5 |
Racing Santander
|
29 |
31-27 |
47 |
| 6 |
Sevilla |
29 |
57-39 |
45 |
| |
| 7 |
Espanyol |
29 |
40-39 |
45 |
| 8 |
Getafe |
29 |
37-37 |
39 |
| 9 |
Almeria |
29 |
26-28 |
39 |
| 10 |
Valencia |
29 |
34-43 |
39 |
| 11 |
Mallorca |
29 |
46-42 |
37 |
| 12 |
Athletic Bilbao
|
28 |
27-27 |
36 |
| 13 |
Real Betis |
28 |
32-39 |
35 |
| 14 |
Osasuna |
29 |
30-33 |
34 |
| 15 |
Dep. La Coruña
|
29 |
33-41 |
34 |
| 16 |
Zaragoza |
29 |
40-49 |
33 |
| 17 |
Valladolid |
29 |
33-49 |
32 |
| |
| 18 |
Recreativo |
29 |
31-48 |
32 |
| 19 |
Murcia |
29 |
26-45 |
26 |
| 20 |
Levante |
29 |
24-55 |
19 |
Tartanka gooldhalinta:
| L. Fabiano |
Sevilla |
22 |
| Raúl |
Real Madrid |
15 |
| Güiza |
Mallorca |
15 |
| Diego Milito |
Zaragoza |
15 |
|
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |