|
Tababare Marcello Lippi oo
dalbadey 5 ciyaartooy iney soo gadato Milan hadii ay doonayaan
inuu tababare u noqdo

21.03.2008, deeyoo.com
Macalinkii qaranka Talyaaniga u horseeday iney hantaan
koobkii aduunka ee 2006 ayaa dalbadey iney Milan balan qaado
iney kooxda keenayaan 5 ciyaaryahan hadii ay doonayaan inuu
tababaro kooxda.
Ciyaaryahanada uu Lippi dalbaday ayaa kala ah Mauro
Camoranesi iyo Vincenzo Iaquinta (Juventus), Ricardo Quaresma
(Porto), Gianluca Zambrotta (Barcelona), iyo Fabio Cannavaro
(Real Madrid)taasoo sida lasoo warinayo ku adkaan doonto Milan
iney hal mar laba ciyaaryahayn kawada iibsato kooxda Juventus oo
xafiiltan weyn kala dhexeeyo inkastoo Laquinta xiriirka hada
kala dhexeeyo Juventus uu aad u liito taasoo u sahli karto Milan
iney soo gataan inkastoo beec sare lala gaari doono.
Tababare Ancelotti ayaa ku guuldareystey inuu guul la taaban
karo ka gaaro Champions League iyadoo Milan ay waqtigan ku jirto
xaalad adag maadaama ay halis ugu jirto iney weyso kaalinta 4aad
ee horyaalka taasoo fursad u siineysa ka qeyb galka Champions
League inkastoo eeda ugu weyn ee fashilka Milan dusha laga
saarayo maamulka kooxda oo ku guuldareystey iney ciyaaryahano
cusub keenaan.
Cadaadiska saaran Ancelotti wuxuu cirka isku sii shareersay
markii ay Milan garoonkooda ay kaga badisey kooxda Sampdoria
maalintii Arbacada kulan ka tirsan horyaalka Talyaaniga iyagoo 4
dhibcood ka hooseeya kooxda Fiorentina oo hada 4aad ku jirta.
Sidoo kale tababarihii hore ee Chelsea Mourinho ayaa ka mid
ah ragga la saadaalinaayo iney badalayaan Ancelotti.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |