Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyey iyo suuqa kala gadashada ciyaartoyda

2103.2008, deeyoo.com

Naadiga Juventus ayaa baadigoob weyn ugu jira iney helaan mishiin qadka dhexe iyadoo hore loogu xiriiriyey ciyaaryahano ay ka mid yihiin Lampard, Van der Vaart iyo Diego hase yeeshee waxaa hada soo baxaya in sidoo kale Juventus ay daneynayaan xidigaha Fenerbahce ee Alex oo la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu qatarsan qadka dhexe iyo Diego Lugano oo isna difaaca dhex (liibaro) ah oo ay Juventus aad ugu baahantahay.

Wakiilka labadan ciyaaryahan Juan Figer ayaa qirey in wadahadalo rajo leh kula jiraan kooxda Juventus.

****    ****    ****    ****

Naadiga Barcelona ayaa lagu waramayaa iney dhexda u xiranayaan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen difaaca reer Argentin iyo kooxda Deportivo Fabricio Coloccini marka uu furmo suuqa kala gadashada ciyaartoyda maadaama ay booska baneynayaan oo ay kooxda ka tagayaan difaaca ruugcadaaga ah Lillian Thuram iyo Gianluca Zambrotta oo ay u badan tahay inuu Milan aado.

Saxaafada Spain ayaa dhowaan baahisey inuu guuldareystey isku daygii Barcelona ay kula wareegi laheyd ciyaaryahan Ezequiel Garay oo 22 jir ah una ciyaara kooxda Racing Santander ay hada xooga saarayaan sidii ay u heli lahaayeen Coloccini.

- Wararka igu xiriirinaaya Barcelona runtii aadbey ii farxad gelinayaan maxaa yeelay waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan aduunka waana riyada ciyaaryahan kasta inuu mar uun u ciyaaro Barca ayuu yiri Coloccini oo u waramayey idaacada La Red.

Coloccini waa 26 jir wuxuuna hore ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Boca Juniors, Milan, San Lorenzo, Alavés, Atletico Madrid iyo Villarreal.

****    ****    ****    ****

Roma ayaa lasoo sheegayaa iney dadaal weyn ugu jiraan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen xidiga hogaanka u haya tartanka gooldhalinta Talyaaniga Marco Borriello oo hada u safta kooxda Genoa laakiin ay shirko ku yihiin naadiga Milan.

Waxaa jiray warar hore u sheegayey in Milan oo xidigan 50% ka iibisey Genoa sanad ka hor ay iminka dib usoo ceshanayaan laakiin wararka xanta ah ayaa sheegaya in Milan ay markaas ka dib kasii iibin doonto Roma oo tababarahooda sheegay in Borriello uu ku haboonyahay qabciyaareedka Roma.

Milan waxaa dhankeeda la sheegayaa iney ku mashquulsantahay helitaanka gooldhaliye magac leh oo ay ugu yaraan mid ama laba ka mid ah Didier Drogba,  Emmanuel Adebayor, Berbatov ama Mario Gomez oo Stuttgart u ciyaara.

****    ****    ****    ****

Macalinka Man.City ayaa ku cabsiiyey kooxaha kale in bartamaha sanadkan uu qarash gareyn doono lacago badan si uu kooxda ugu soo biiriyo xidigo magac leh waxaana hada kamid ah ciyaaryahanda uu ku taamayo inuu soo iibsado ciyaaryahan Jo oo u dheela kooxda Ruushka ka dhisan ee CSKA Moscow.

Jo oo dhalashadiisa tahay Brazil ayaa sahlanaan doonin in Man.United hesho saxiixiisa maadaama kooxda Milan oo illaa iyo hada ah kooxda inta badan lala xiriirinaayo iney noqon doonto kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan suuqa kala gadashada ciyaartooyda ayaa dhankooda laga yaabaa iney dadaal u galaan helitaanka ciyaaryahankan maadaama uu hore kula taliyey xidigii hore ee Milan Leonardo oo hada kooxda usoo basaasa ciyaaryahanda mustaqbal wanaagsan ku yeelan karo kubada cagta iney si dhakhsiyo ah u bilaabaan sidii ay ciyaaryahankan ula soo wareegi lahaayeen. 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore