Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Beckham oo mar kale qaranka lagu soo darey

20.03.2008, deeyoo.com

Kabtankii hore ee qaranka Ingiiska David Beckham ayaa lagu soo daray qaranka Ingiriiska taasoo fursad u siineysa inuu safto kulankiisii 100 ee xulka Ingiriiska kulanka saaxiibtinimo oo ay layeelan doonaan dalka Faransiiska.

Becham ayaa kulankiisii ugu dambeeyey ee xulka dalkiisa u saftey kulankii Kroatia bishii Novembar ee sanadkii hore hase yeeshee markii uu shaqo galay macalinka cusub ee Ingiriiska Capello waxaa yaraaatey rajada laga qabo in Beckham usii ciyaaro qaranka maadaama xiriirka isaga Capello oo xumaa isagoo xulkii ugu horeeyey ee Ingiriiska oo uu ku dhawaaqeyna laga waayey Beckham inkastoo dad badan kula taliyeen inuu siiyo fursad uu ku safto kulankii 100.

Capello ayaa ku macneeyey sababta uu uga tegay Beckham iney tahay isagoon wax kulan ah safan waqtiyadii dambe maadaama uu xirnaa horyaalka Mareykanka oo uu Beckham ka ciyaaro.

Capello ayaa hada magacaabay 30 ciyaaryahan oo marka dambe laga sii dhigi doono 23 ciyaaryahan oo kulan saaxiibtinimo la ciyaari doona Faransiiska, Ciyaaryahanad kale ee la magacaabay waxaa ka mid ah xidiga dhalinta yar ee Arsenal Walcott oo aan in muda ah xulka soo galin iyo David Weather oo Middlesbrough u ciyaara oo markii ugu horeysey lagu daray qaranka.

Liiska ciyaaryahanada la magacaabay:

Goolhaye: David James (Portsmouth), Scott Carson (Aston Villa), Chris Kirkland (Wigan)

Difaac: Wayne Bridge (Chelsea), Ashley Cole (Chelsea), Glen Johnson (Portsmouth), John Terry (Chelsea), Wes Brown (Man Utd), Joleon Lescott (Everton), Rio Ferdinand (Man Utd), David Wheater (Middlesbrough), Jonathan Woodgate (Tottenham), Matthew Upson (West Ham)

Qadka dhexe: Gareth Barry (Aston Villa), Ashley Young (Aston Villa), David Bentley (Blackburn), Joe Cole (Chelsea), Frank Lampard (Chelsea), Shaun Wright-Phillips (Chelsea), David Beckham (Los Angeles Galaxy/USA), Steven Gerrard (Liverpool), Owen Hargreaves (Man Utd), Stewart Downing (Middlesbrough), Jermaine Jenas (Tottenham)

Weerar: Theo Walcott (Arsenal), Gabriel Agbonlahor (Aston Villa), Peter Crouch (Liverpool), Wayne Rooney (Man Utd), Michael Owen (Newcastle), Jermain Defoe (Portsmouth)

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore