Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Manchester United oo soo gaartey finaalaha Champions League, labo koox oo Ingiriis ah oo markii ugu horeysey ku kulmaya finaalaha koobkan
  
Xidigaha Man.United

30.04.2008, deeyoo.com

Paul Scholes ayaa noqdey halyeygii Man.United markii uu dhaliyey goolka keliya ee ciyaarta oo aad u qurux badnaa daqiiqadii 14aad kaasoo u suura geliyey in Man.United 1-0 ku garaacaan Barcelona una soo baxaan finaalha tartanka weyn ee Champions League.

Kulankan oo fursadaha labada kooxba ay heleen uu aad u yaraa ayaa farqiga keliya ee u dhexeeyey wuxuu ahaa ciyaaryahan Paul Scholes oo ka faa`iideystey baas qaldan oo uu Zambrotta.

Barcelona ayaa isku darka labada kulanba ka ciyaar wanaagsaneyd Man.United iyagoo kubada u maamulanayey hadba sida ay doonaan inkastoo dhameystirkooda uu liitey oo marka ay yimaadaan afka goosha Man.United si fudud kubada looga qaadanaayey.

Guushaan Man.United waxey ka dhigan tahay in finaalaha tartankan markii ugu horeysey ay labo koox oo Ingiriis ah isku arki doonaan iyadoo la ogaan doono caawa kooxda usoo bixi doonto finaalaha kulanka dhex mari doono Chelseea iyo Liverpool oo kulankoodii hore bareejo 1-1 ah kusoo dhamadey.

Markii ugu horeysey oo ay labo koox oo isku dal ah finaalaha Champions League isaga hor yimaadaan waxey aheyd 2000 markaasoo Real Madrid 3-0 ku duugtey kooxda Valencia iyadoo 3 sano ka dibna ay koobiyeeyeen kooxaha Talyaaniga markii Milan rigoorayaal koobka kaga qaadey Juventus 2003.

Man.United markii ugu dambeysey oo ay finaalaha tartankan ciyaaraan waxey aheyd 1999 iyagoo mid ka mid ah finaalhii ugu xusuusta badnaa taariikhda tartankan 2-1 koobkii kaga qaadey Bayern Munich markii ay 2da gool dhaliyeen 2dii daqiiqo ee ugu dambeysey ciyaarta xili taageerayaashii Bayern isku diyaarinayeen dabaal degga koobka.

Macalinka Manchester Uniterd ayaa ku kaftamey inuu jecelyahay finaalaha iney isku arkaan Liverpool isagoo sabab uga dhigay in milkiilaha Chelsea waa ninka maalqabeenka ah Abramovich uu tikidhada ciyaarta oo dhan wada iibsanaayo hadii ay kooxdiisa finaalaha soo gaarto maadaama dalkiisa lagu ciyaaraayo.

Finaalaha koobkan ayaa ka dhici doono caasimada Ruushka ee Moscow 21ka May hadii Alle idmo.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore