Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Chelsea oo markii ugu horeysey taariikhdeeda soo gaartey finaalaha Champions League markii ay ka aar goosteen Liverpool

Laacibiinta Chelsea

30.04.2008, deeyoo.com

Naadiga Chelsea ayaa markii ugu horeysey taariikhdooda soo gaartey finaalaha Champions League markii ay 3-2 ku dhufteen kooxda Liverpool iyadoo kulankii horena oo kusoo dhamaadey bareejo 1-1 ah taasoo isku darka labada kulan ka dhigeysa Chelsea 4-3 Liverpool.

Gooldhaliyaha weyn ee Chelsea ayaa dhaliyey 2 ka mid ah goolasha ay ku badiyeen halka goolka kale oo rigoore ahaana uu saxiixay kabtankooda Frank Lampard oo goolkiisa u hibeeyey hooyadiis oo dhowaan geeriyootey.

Kulankaan oo aad u xiisa badnaa ayaa u muuqdey in Chelsea ay si taxadar leh u ciyaarayeen isla markaana ay ku dadaalayeen koontro atack iyo darbooyin abuu banaan ah halka Liverpool ay kulankaan ku wanaagsanaayeen isku dhiib dhiib gaagaaban, waqtigii caadiga ahaa wuxuu ku dhamaadey 1-1 ka dib goolal ay kooxahooda u kala dhaliyeen Drogba daqiiqadii 33aad iyo Torres daqiiqadii 65aad, maadaama labada koox ay kulankii horena 1-1 ku kala bexeen waxaa loogu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah si ay u kala adkaadaan.

Chelsea ayaa qeybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa marsho labaad gashatey weeraro aan kala joogsi leheena ku qaadey goolka Liverpool taasoo u suura gelisey in ciyaarta ku hogaamiyaan 3-1.

Lampard ayaa goolkiisa oo rigoore ahaa dhaliyey daqiiqadii 98 markii uu Sami Hyppia ku jilaafay gudaha xerada ganaaxa ciyaaryahan Ballack garsoorihii ciyaartana uu isagoon ka shakin rigoore tilmaamay.

Drogba ayaa daqiiqadii ugu dambeysey waqtigii dheeriga ahaa qeybtiisii hore dhaliyey goolkiisii 2aad ee ciyaarta oo ahaa kii 3aad ee Chelsea markii uu baas dib ah ka helay Anelka isla markaana darbo xoogan daba mariyey boortaha Liverpool Riena.

Liverpool oo aan quusan ayaa qeybtii 2aad ee waqtigii dheeriga ahaa ku dadaashay in mar kale ay sameeyaan mucjisadii Istanbul hase ahaatee markan ma dhicin inkastoo ay heleen gool aan wax badan soo kordhin 4 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta markii ciyaaryahan Ryan Babel meel goosha u jirta qiyaastii 25 mitir oo darbo xoogan ka soo gamay taasoo ka fara baxatey goolhaye Cech.

Tabaraha Chelsea oo inta badan taageerayaasha kooxda aysan ka helin ayaa kulanka ka dib ku faanay in isaga iyo ciyaartoydiisaba bog cusub u fureen taariikhda kooxda oo aan hore usoo gaarin finaalaha tartankan aadka u qiimaha badan ee Champions League isagoo inta badan wareysigiisa si gooni ah ugu amaanayey Lampard oo berito hooyadiis la aasi doono.

Chelsea finaalaha waxey isku arki donaan kooxda kale ee Ingiriiska ka dhisan Manchester United iyadoo lagu ciyaari doono garoonka weyn ee Luzhniki stadion oo ku yaala caasimda Ruushka ee Moskow 21 May  hadii Alle idmo.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore