|
Ballack
oo soo celiyey xiishii horyaalka Ingiriiska
iyo natiijooyinkii ciyaarihii
Todobaadkan

Ballack
27.04.2008, deeyoo.com
Labo gool oo uu kooxdiisa u dhaliyey ciyaaryahan Michael
Ballack ayaa ka dhigay ku tartanka horyaalnimada Ingiriiska mid
furan markii ay Chelsea 2-1 ku quusisay kooxda weli hogaanka
heysa ee Man.United.
Kulankaan oo sida la filaayey aha mid adag ayey labada kooxba
heleen fursado goolal lagu dhalin karay waxaana goolkii ugu
horeeyey ee ciyaarta kooxdiisa madax ugu dhaliyey Ballack oo
karoos macaan ka helay ciyaaryahan Drogba ilbiriqsiyadii ugu
dambeeyey qeybtii hore ee ciyaarta wuxuuna goolkaas u hibeeyey
saxiibkiis Frank Lampard oo dhowaan hooyadiis geeriyootey markii
uu lasoo baxay maliyad ay ku qorneyd «Pat Lampard R.I.P.»
Weyne Rooney ayaa goolkii bareejada u dhaliyey Man.United 10
daqiiqo ka dib nasashadii markii uu ka faa`iideystey baas qalad
ah oo uu Carvalho u dhogay Rooney isagana uu ku hubsadey shabaqa
Chelsea ciyaatiina ka dhigay 1-1.
Ciyaaryahanda Chelsea ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku
dadaalayey iney helaan goolka guusha taasoo sababtey in muran
xoogan uu soo kala dhex galo Ballack iyo Drogba oo isku qabsadey
qofkii gami lahaa boloziyoon loo dhigay meel waxyar ka baxsan
xerada ganaaxa ee Manchester United raasoo mudo ka dib uu Drogba
gamay waxaase dirqi ku badbaadiyey boortaha Man.United Van Der
Saar.
Ballack ayaa mar kale Chelsea u dhaliyey goolkii hogaanka oo
rigoore ahaa markii uu ciyaaryahan Carrick gacanta ugu dhacdey
karoos uu soo gamay Essien taasoo uusan garsoorihii ciyaarta
arkin hase yeeshee uusan ka shakinin calan hayihii oo markiiba
tilmaamey rigoore.
Man.Chester United ayaa weli ka rajo fiican Chelsea inkastoo
ay isku dhibco yihiin min 2 kulana ay u hartey hase yeeshee sida
uu qabo sharciga Ingiriiska hadii ay labada koox isku dhibco
noqdaan waxaa horyaalka loo caleemo saarayaa kooxda goolal badan
iyadoo Man.UNited ay hada heysato 54 gool oo dheeraad ah halka
Chelsea ay ka heystaan 36 gool oo dheeraad ah (marka la kala
jaro goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey) taasoo ka
dhigan hadii ay Man.United badiyaan kulamada ay lakala
yeelanayaan Westham iyo Wigan iney ku guuleysan doonaan
horyaalka halka Chelsea ay caawin uga baahan tahay kooxahaas
xitaa hadii ay badiyaan kulamada u dhiman oo ay lakala
ciyaaryaan Newcastle iyo Bilton.
Markii ay ciyaarta dhamaatey ayuu ciyaaryahanka difaaca uga
dheela Man.United wuxuu dagaal gacan leys kula tagay la galay
mid ka mid ah shaqaalaha Chelsea halka sidoo kale la sheegay in
Ferdinand uu haraanti aan kas aheyn ku dhuftey gabar u shaqeysa
Chelsea inkastoo markiiba uu raali gelin gaar ah iyo mid guud ka
bixiyey dhacdadaas, Ferdinand ayaa dhankiisa sheegay in isagoo
ka xun natiijada ciyaarta uu si xanaaq leh islahaa derbiga
haraati hase yeeshee ay si qalad ah ugu dhacdey gabadhaas
wuxuuna sheegay inuu ka raali geliyey wixii dhacay iyaduna ay si
farxad leh oo qosol wehliyo uga aqbashay raaligelintii uu
bixiyey.
Natiijadii kulamadii la ciyaarey:
| 26.04.08 |
| Chelsea |
Man.r United |
2 - 1 |
| Birmingham |
Liverpool |
2 - 2 |
| Man. City |
Fulham |
2 - 3 |
| Sunderland |
Middlesbrough |
3 - 2 |
| Tottenham |
Bolton |
1 - 1 |
| West Ham |
Newcastle |
2 - 2 |
| Wigan |
Reading |
0 - 0 |
| 27.04.08 |
| Portsmouth |
Blackburn |
| Everton |
Aston Villa |
| 28.04.08 |
| Derby |
Arsenal |
Kala horeynta kooxaha:
| Manchester U. |
36 |
25 |
6 |
5 |
74 |
- |
21 |
81 |
| Chelsea |
36 |
24 |
9 |
3 |
62 |
- |
25 |
81 |
| Arsenal |
35 |
21 |
11 |
3 |
66 |
- |
29 |
74 |
| Liverpool |
36 |
19 |
13 |
4 |
64 |
- |
28 |
70 |
| Everton |
35 |
18 |
7 |
10 |
50 |
- |
29 |
61 |
| Aston Villa |
35 |
16 |
10 |
9 |
67 |
- |
45 |
58 |
| Portsmouth |
35 |
16 |
9 |
10 |
48 |
- |
36 |
57 |
| Manchester C. |
36 |
15 |
10 |
11 |
44 |
- |
44 |
55 |
| Blackburn |
35 |
13 |
13 |
9 |
45 |
- |
43 |
52 |
| West Ham |
36 |
13 |
9 |
14 |
39 |
- |
44 |
48 |
| Tottenham |
36 |
10 |
13 |
13 |
65 |
- |
59 |
43 |
| Newcastle |
36 |
11 |
10 |
15 |
44 |
- |
60 |
43 |
| Sunderland |
36 |
11 |
6 |
19 |
36 |
- |
56 |
39 |
| Wigan |
36 |
9 |
10 |
17 |
32 |
- |
49 |
37 |
| Middlesbrough |
36 |
8 |
12 |
16 |
33 |
- |
52 |
36 |
| Bolton |
36 |
8 |
9 |
19 |
33 |
- |
53 |
33 |
| Reading |
36 |
9 |
6 |
21 |
37 |
- |
65 |
33 |
| Birmingham |
36 |
7 |
11 |
18 |
42 |
- |
59 |
32 |
| Fulham |
36 |
6 |
12 |
18 |
35 |
- |
60 |
30 |
| Derby |
35 |
1 |
8 |
26 |
17 |
- |
76 |
11 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |