Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Flamini oo ka tagey Arsenal
Halkee aadayaan C.Ronaldo, Lahm iyo Zlatan

25.04.2008, deeyoo.com

Xidiga qadka dhexe ee Arsenal Mathieu Flamini ayaa isaga tagaya kooxdiisa una wareegaya kooxda weyn ee Milan sida ay warisey jariidada caanka ah ee Gazzetta dello Sport-

Flanini oo 24 jir ayaa horey dhowr jeer u diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kooxda Arsenal kula sii joogi lahaa maadaama uu dhamaad yahay heshiiskii uu kula jiray isagoo taas ku macneeyey inuu hawo gedisanaayo hase yeeshee sida warar hoose ay sheegayaan waxey kooxda isku qabteen xaga mushaharka oo uusan ku qancin.

Heshiiskan cusub oo uu Flamini la galay Milan ayaa ku kacaya 3.5 milyan oo pound sanadkii inkastoo wararka qaar sheegayaan in weli aan la gaarin heshiis buuxa waxeyse u egtahay in Flamini waayihiisii Arsenal dhamaadey.

Sidoo kale waxx dhowaan ku dhawaaqay macalinka Inter inuu dadaaal weyn u gali doono sidii uu kooxda ku keeni lahaa xidiga qadka dhexe ee Arsenal Hleb taasoo aad uga careysiisay tababare Wenger oo arintaas ku tilmaamay wax laga xishoodo oo aan ku habooneen koox weyn maadaama ay iyagoo xitaa nala soo xiriirin baafiyaan rabitaankooda Hleb isagoo dhanka kalena sheegay iney aad macquul u tahay in Henry oo ay Spain uga jajabtey kusoo laabto kooxda.

Xidiga 24 jirka ah ee qaranka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Philipp Lahm ayaa sanadka soo socda u saffan doono kooxda weyn ee Barcelona sida ay qoreen saxaafada Spain isagoo la joogi doono 4ta sano ee soo socota.

Lahm ayaa horey u sheegay inuu jecelyahay inuu hawo gedisto isla markaana uusan sugi doonin waqti dheer isagoo xusay sida uu u jecelyahay inu u wwareego koox ka baxsan Jarmalka.

- Lahm wuxuu kooxda lasii joogi doona illaa dhamaadka qandaraaskiisa oo ku eg 2009 ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge oo ah gudoomiyaha kooxda Bayern Munich mar uu ka jawaabayey wararka ku saabsan bixitaanka Lahm.

Lahm wuxuu bedeli doonaa sida laga helaayo kooxda Barcelona ciyaaryahan Zambarota oo sida la sheegay u hiloobay dalkiisa Talyaaniga waxaana loo maleynayaa inuu ku biiri doono naadiga AC Milan.

C.Ronaldo oo aad loo rumeysanyahay inuu yahay ciyaaryahanka aduunka ugu wanaagsan ayaa sheegay inuu aad u jecelyahay inuu ka ciyaaro dalka Spain.

Ronaldo oo sidoo kale hore u sheegay sanadkii hore inuu aad u jecelyahay inuu Spain ka ciyaaro ayaa wax yar uun ka dib heshiiskii uu kula jirray Man.United sii dheereeyey isagoo saxiixay illaa iyo 2012.

Sida ay qoreen wargeysyada Marca iyo AS Ronaldo hadiiba uu aadaayo Spain wuxuu ku biiri doonaa Real Madrid oo hore dhowr jeer u shaacisay iney daneynayaan.

Gooldhaliyaha Inter Zlatan Ibrahimovich ayaa laga yaabaa inuu ku biiro kooxda real Madrid oo in mudo ah raad raadineysay iyagoo hada usoo bandhigay Inter Lacag dhan 50 milyan oo euro iyo weliba ciyaaryahan Diarra.

Macalinka R.Madrid Bernd Schuster ayaa dhowaan sheegay inuu aad u daneynaayo Zlatan isagoo hogaanka kooxdana ka codsadey iney dadaal u galaan sidii ay u xaqiijin lahayeen imaashaha IBRA.

Zlatan oo xili sanadeedkan inta bada ku dhameystey dhaawac ayaa laga yaabaa yaboohaan ay sameeyeen Real Madrid inuu u cuntamo Inter oo dhankooda aad u doondoonayey Diarra maadaama qadka dhexe ay ka dhutinayaan iyo weliba hadii ay dhacdo in tababare Mourinho u yimaado Inter inuu kooxda keeni doono Drogba

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore