Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Man.United oo natiijo wanaagsan kala soo laabatey Barcelona oo ay bareejo ku kala bexeen

Rigooradii Ronaldo

23.04.2008, deeyoo.com

Manchester United ayaa natiijo fiican kala soo laabatey garoonka weyn ee Camp Nou markii ay bareejo goolal la`aan ah lasoo galeen kooxda Barcelona wejiga 1aad ee semifinaalaha Champions League.

Kulankaan oo ay inta badan maamulka ciyaarta hayeen Barcelona isla markaana difaac ku riixay ciyaaryahanada Man.United ayeysan u suura gelin iney wax gool ah dhaliyaan inkastoo ay heleen fursado qaali ah oo goolal lagu dhalin karay.

Ciyaaryahan Eto`o ayaa kooxdiisa ka qasaariyey fursadii ugu qatarsaneyd markii uu banaanka marsiiyey weerar aad u qurux badnaa oo ay si wada jir ah u soo dhiseen Deco iyo Iniesta daqiiqadii 5aad ee qeybtii dambe.

Fursadii ugu weyneyd ee kulankaan waxaa kooxdiisa ka qasaariyey C.Ronaldo oo rigoore loo dhigay banaanka marsiiyey markii ay ciyaarta socotey 2 daqiiqo oo keliya iyadoo wixii markaas ka dambeeyeyna ay ciyaartii noqotey hal dhinac maadaama inta badan lagu ciyaaraayey qeybta Man.United.

Messi oo kulankaan ahaa xidigii garoonka isla markaana boor ku qariyey C.Ronaldo oo ay dad badan aaminsan yihiin inuu yahay ciyaaryahanka waqti xaadirkaan ugu wanaagsan aduunka ayaa wejigiisa laga aqrisan karay sida uu uga xunyahay markii lagu bedelay Henry rubi saac ka hor dhamaadkii ciyaarta, natiijadaan ayaa ah mid furan oo ay labada kooxba fursad isku mid ah usiineysa iney soo gaato finaalaha tartankan inkastoo Man.United in yar xaga niyada ka ga wanaagsan yihiin Barcelona maadaama gurigooda lagu ciyaaraayo wejiga labaad.

Laakiin guud ahaan sawirkii ciyaarta oo marka laga reebo goolal la`aanta ahaa mid qurux badan ayaa laga aqrisan karaa in Man.United si sahal ah kusoo gaari doonin finaalaha Champions League  sida ay hore u aaminsanaayeen, Barcelona oo ka raja dhigtay horyaalka dalkeeda, ciyaaryahano muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa iyo mustaqbalka tababare Rejkaard oo mugdi ku jiro isla markaana dhowr jeer taageerayaasha Barcelona ku baaqeen inuu kooxda isaga tago ka sokow waxey muujiyeen iney weli yihiin koox weyn oo aan sinaba loo yareysan karin.

Man.United oo hogaanka u heysa horyaalka dalkeeda isla markaana niyad ahaan aad u dhisnaa ayaa aad looga ciyaar fiicnaa tusaale ahaan Barcelona waxey  kubada heysatey 62 boqolkiiba halka Man.United ay kubada heesteen 38 boqolkiiba, Barcelona waxey goosha la eegteen 21 darbo halka Man.United ay 6 darbo oo keliya ku gameen goolka Barcelona laakiin Man.United waxey isku difaaceen sida koox weyn iyagoo kubad kasta oo ay qatar u arkaan ku raacayey 2 ama 3 ciyaaryahan si ay u yareeyaan qatarta uga imaan karta waxeyna ku guuleysteen iney natiijo u cuntanta kala soo laabtaan Barcelona.

Wejiga labaad ayey labadan koox isku arki doonaan garoonka Old Trafford Talaadad soo socoto iyadoo Arbacadana ay Stampford Bridge oo ah garoonka Chelsea ku balansan yihiin Chelsea iyo Liverpool oo kulankoodii xalay bareejo 1-1 ah kusoo dhamaadey.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore