Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Liverpool iyo Chelsea oo ismari waayey, Riise oo kooxdiisa guusha ka hor istaagay

Goolkii Kuyt

22.04.2008, deeyoo.com

Ciyaaryahan John Arne Riise ayaa kooxdiisa Liverpool ka hor istaagay iney markii 3aad semifinaalaha Champions League ay Chelsea ugu badiyaan garoonkooda markii uu gool ka dhaliyey daqiiqadii ugu dambeysey ee waqtigii beerdarada ahaa ciyaartiina ka dhigay bareejo 1-1 ah.

Chelsea ayaa ciyaarta bilowgeedii lasoo gashay dardar hase yeeshee Liverpool ayaa heshay goolkii 1aad markii uu ciyaaryahan Dirk Kuyt oo ahaa xidigii garoonka uu ka faa`iideystey qalad uu afka hore ee gooshiisa ku galay kabtanka Chelsea Lampard isla markaana shabaqa ku hubsadey.

Labada kooxba qeybtii labaad waxey heleen fursado goolal lagu dhalin karay hse yeeshee waxaa diiday goolhayayaasha labada koox illaa ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey xilli taageerayaasha Liverpool ay isla jiibinayeen heestoodii caan baxdey ee "YOU NEVER WALK ALONE"  uu ka naxsadey Riise oo bedel kusoo galay isagoo karoos uu afka goosha uu soo dhigay Kalou teesto ku bixi islahaa shabaqa la helay.

Fernando Torres oo ay waayadaan u shidneyd ayaa caawa helay 3 fursadood oo aad qaali u ahaa hase yeeshee aan midkoodna ka faa`iideysan waxaase la xusi karaa kabtan Gerrard oo isna qeybtii labaad kubad uu si wanaagsan u soo farsameystey isla markaana darbo xoogan kusoo gamay shabaqa Chelsea waxaase dirqi ku bixiyey goolhaye Cech.

Natiijadaan ayaa labada kooxba u ah mid furan inkastoo waxoogaa ay Chelsea rajo fiican yihiin ka hor kulanka labaad ee ka dhici doono Stampfordbridge Arbacada soo socota maxaa yeelay Liverpool waa iney ugu yaraan gool dhaliyaan hadii ay doonayaan iney gaaraan finaalaha Champions League, Chelsea oo labo semifinaale ay Liverpool ka reebtay 3dii sano ee ugu dambeysey ayaa heysata fursad ay kaga aargudato waxaana saadaasha ah in Chelsea ka rajo fiican tahay Liverpool sii xoojinaayo iskoorka fiican oo ay ku heystaan kooxaha Ingiriiska oo marnaba aan kaga badin garoonkooda Stampfordbridge 4tii sano ee ugu dambeysey.

Liverpool wey kaga waayo aragnimo badan tahay Chelsea koobka Champons League , sidoo kale Liverpool sanadkan ugu yaraan gool ayey ka soo dhaliyeen kooxihii ay banaanka kula soo ciyaareen oo dhan waana sababtaas waxa loo dhihi karo weli rajadooda ma dhiman oo wey ka badin karaan Chelseas ama koox kasta oo kale meeshey doontaba ha ahaatee.

Habeen dambe waxaa kulan kale oo aad u adag isaga hor imaan doono kooxaha Barcelona iyo Manchester United iyadoo kulankaana uu ka dhici doono garoonka weyn ee Barcelona Nou Camp.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore