Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Manchester United oo heshay dhibic aad muhiim u ah, Arsenal iyo Liverpool oo kulamadoodii badiyey

Tevez

20.04.2008, deeyoo.com

Manchester United ayaa heshay dhibic aad muhiim u ah markii uu ciyaaryahan Tevez gool bareejo ah u dhaliyey 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta kulan adag oo ay la yeesheen kooxda Blacburn oo kusoo dhamaadey 1-1.

Manchester United oo kulankaan aad muhiim ugu ahaa ayaa ku sigatay in laga badiyo hase yeeshee weeraro isdaba joog ah oo ay ku qaadeen goolka Blacburn ayaa ugu dambeyn u suura geliyey iney helaan hal dhibic oo noqon karta tii ay horyaalka ku qaadi lahaayeen.

Blackburn oo bilowgii ciyaarta waxoogaa ka ciyaar wanaagsaneyd ayaa dhalisey goolkii ay hogaanka ku qabteen ku dhowaad daqiiqadii 20aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Roque Santa Cruz iyadoo qeybtii horena lagu kala nastey 1-0 oo ay Blackburn ku hogaamineysey.

Man.United waxey 3 dhibcood ka horeeyaan kooxda 2aadka ku jirta ee Chelsea oo ay Sabtida soo socota fooda isdari doonaan, Chelsea waa iney badiyaan kulankaas iyo weliba labada kulan ee kale oo ay la yeelan doonaan Newcastle (banaanka) iyo Bolton(gurigooda) isla markaana ay caawin ka helaan kooxaha u harsan Man.United oo kala ah Westham (g) iyo Wigan (b) maadaama sida uu qabo sharciga Ingiriiska hadii 2 koox isku dhibco noqdaan waxaa koobka qaadaya kooxda goolal badan.

Manchester United waxey heysataa 54 gool marka lakala jaro goolasha ay dhalisey iyo kuwa laga dhaliyey halka Chelsea ay heysato 36 gool iyadoo farqiga u dhexeeya labada koox uu hada yahay 18 gool iyadoo guud ahaan kulamada hareyna ay yihiin 3 kulan oo keliya.

Arsenal oo goor hore ka quusatey horyaalka ayaa kulan aad u qurux badan oo ay la yeesheen kooxda Reading 2-0 uga badiyeen halka kooxda kaalinta 4aad Liverpool ay sidoo kale 2-0 kaga soo adkaadeen kooxda usii socota heerka labaad ee Fulham.

Kulamadii Todobaadkan:

17.04.08
Everton Chelsea 0 - 1
19.04.08
Arsenal Reading 2 - 0
Fulham Liverpool 0 - 2
Middlesbrough Bolton 0 - 1
West Ham Derby 2 - 1
Wigan Tottenham 1 - 1
Blackburn Manchester United 1 - 1
20.04.08
Aston Villa Birmingham
Newcastle Sunderland
Man. City Portsmouth

Kala horeynta kooxaha:

  1 Man. United 35 25 6 4 73 19 54 81
  2 Chelsea 35 23 9 3 60 24 36 78
  3 Arsenal 35 21 11 3 66 29 37 74
  4 Liverpool 35 19 12 4 62 26 36 69
  5 Everton 35 18 7 10 50 29 21 61
  6 Portsmouth 34 16 9 9 47 33 14 57
  7 Aston Villa 34 15 10 9 62 44 18 55
  8 Blackburn 35 13 13 9 45 43 2 52
  9 Man. City 34 14 10 10 39 40 -1 52
  10 West Ham 35 13 8 14 37 42 -5 47
  11 Tottenham 35 10 12 13 64 58 6 42
  12 Newcastle 34 10 9 15 40 58 -18 39
  13 Wigan 35 9 9 17 32 49 -17 36
  14 Middlesbrough 35 8 12 15 31 49 -18 36
  15 Sunderland 34 10 6 18 33 52 -19 36
  16 Bolton 35 8 8 19 32 52 -20 32
  17 Reading 35 9 5 21 37 65 -28 32
  18 Birmingham 34 7 10 17 39 52 -13 31
  19 Fulham 35 5 12 18 32 58 -26 27
  20 Derby 35 1 8 26 17 76 -59 11

 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore