|
Roma oo
bareejo gashay, Totti oo dhaawac culus soo gaaray

Totti
20.04.2008, deeyoo.com
Roma ayaa iska qasaarisey fursad culeys ku saari laheyd
koocda hogaanka heysa ee Inter markii ay ka badi waayeen kooxda
Reggina oo ay barbardhac 1-1 ah ku kala bexeen.
Roma oo hadii ay ka badin lahaayeen Reggina hal dhibic oo
keliya usoo jirsan laheyd Inter ayaa bedelkeeda waxaa laga
yaabaa in farqiga xaga dhibcaha ee labada koox u dhexeeya noqdo
6 dhibcood hadii sida lasii saadaalinaayo ay Inter ka badiso
kulanka ay kooxda Torino la yeelanayaan maanta.
Kabtanka Roma Totti ayaa dhaawac weyn jilibka kasoo gaarey
iyadoo wararkii ugu horeeyey ee kasoo baxaya dhaawaca Totti ay
sheegayaan in laga yaabo inuu garoomada ciyaaraha ka maqnaado
ugu yaraan 6 bilood laakiin baaritaan dheer oo lagu sameyn doono
ayey dhakhaatiirta Roma sheegeen in lagu kala ogaan doono inuu
qaliin u baahan yahay iyo in kale.
Barcelona oo ka raja dhigtay
hanashada horyaalka
Barcelona oo in mudo ah ku riyooneysey hanashada horyaalka
Spain ayaa hada u eg iney iska ilaaween markii ay ka badin
waayeen kooxda Espanyol oo ay goolal la`aan ku kala bexeen.
Bareejadaan ayaa ka dhigeysa in Barcelona ay badisey hal
kulan oo ka mid ah 8dii kulan ee ugu dambeysey horyaalka Spain
waxeyna hada halis ugu jiraan iney waayaan kaalinta 2aad oo
hadii ay Villareal badiso kulanka ay la yeelanayaan kooxda
Valladolid kaalinta 2aad soo gali doonto.
Real Madrid waxey hada 8 dhibcood ka horeeyaan Barcelona
waxeyna ka dhigayaan 11 dhibcood hadii dhankooda ay badiyaan
kulanka ay la balan sanyihiin kooxda Racing Santander.
Kooxda afaraadka ku jirta ee A.Madrid ayaa iyagana iska
qasaariyey fursad ay ku xajisan lahaayeen booskooda markii
garoonkooda lagaga badiyey 1-3 kulan ay isaga hor yimaadeen
kooxsa Real Betis.
Kulamada Todobaadkan:
| 19.04.08
|
| A. Madrid |
R. Betis |
1 - 3 |
| Barcelona
|
Espanyol
|
0 - 0 |
| Zaragoza
|
Huelva
|
3 - 0 |
| Sevilla
|
Almeria
|
1 - 4 |
| 20.04.08
|
| Levante
|
Getafe
|
| Murcia
|
Mallorca
|
| Osasuna
|
Deportivo |
| Villarreal
|
Valladolid
|
| Santander
|
Real Madrid |
| Athl.Bilbao
|
Valencia |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |