|
Bayern Munich oo ku guulesatey koobka koobabka Jarmalka

Luca Toni
20.04.2008, deeyoo.com
Luca Toni ayaa mar kale kooxdiisa Bayern Munich ka farxiyey
una suura geliyey iney ku guuleystaan koobka koobabka Jarmalka
markii uu 2 gool u dhaliyey kulankii finaalaha oo ay 2-1 ku
garaaceen kooxda Borussia Dortmund.
Kulankaan oo aad u xiisa badnaa ayuu gool dhaliyaha weyn ee
Bayern Luca Toni kooxdiisa u dhaliyey goolka 1aad daqiiqadii
10aad ee bilowgii ciyaarta hase yeeshee waqti ay taageerayaasha
Bayern bilaabeen u dabaal degida guusha koobka ayaa waxaa ku
aamusiyey ciyaaryahan Petric oo goolkii bareejada kooxdiisa u
dhaliyey ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta xili uu
garsooraha firimbiga afka ku hayey si uu ciyaarta u dhameeyo
taasoo sababtey in lagu kala boxo waqti dheeri ah 30 daqiiqo.
Luca Toni ayaa mar kale shabaqa la helay goolkiisii 2aad
dhamaadkii qeybtii hore ee waqtiga dheeriga una suura geliyey in
Bayern ku guuleysato koobkoodii 1aad sanadkan iyagoo sidoo
kalena aad ugu dhow hanashada horyaalka oo ay 10 dhibcood ku
hogaaminayaan.
Bayern waxey sidoo kale rajo weyn ka leedahay hanashada
koobka UEFA oo ay semifinaale joogaan waxeyna guul weyn u
noqoneysaa hadii ay kuwada guuleystaan 3da koob guud ahaan
ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda waxeysi si gooni ah farxad
ugu noqoneysaa goolhayaha taariikhda galay ee Bayern Oliver Kahn
oo sanadkan soo gabagabeyn doono mustaqbalkiisii dheeraa ee
kubada cagta isagoo intii uu ku dhex jiray waayihiisii kubada
cagta kusoo guuleystey wax kasta oo uu ciyaaryahan ku riyoodo
marka laga reebo koobka aduunka oo ay kaalimaha 2aad 2002 iyo
3aad 2006 galeen qarankiisa Jarmalka.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |