Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Liverpool oo gashay xaalad adag

Benitez

18.04.2008, deeyoo.com

Xaalada naadiga Liverpool ayaa aad u kacsan waxaana muuqanaya is eed eed u dhexeeya milkiilayaasha iyo hogaanka kooxda taasoo markii dambana saameyn weyn ku yeelatey tababaraha Liverpool Rafael Benitez oo ku hanjabay inuu kooxda isaga tagaayo.

- Waa inaan kulan la yeeshaa hogaanka kooxda, waana inaan dhab ahaan ogaadaa waxa jira ayuu yiri tababare Benitez oo sida uu sheegay aad ula yaabay in maamulaha kooxda Rick Parry uu qeyb ka ahaa kulan ay milkiilayaasha Liverpool Tom Hicks iyo George Gillett ay la yeehseen tababarihii hore ee Jarmalka Klinsmann si uu u bedelo Benitez dhamaadkii Novembar ee sanadkii hore.

Benitez oo hore u maqlay in kulankaan uu dhacay ayaa aad ula yaabay in maamulaha kooxda Rick Parry oo saaxiib aad ugu dhow ahaa uu isna qeyb ka ahaa shirkan shaqada lagaga ceyrin lahaa.

- Waxaan dareemayaa in shaki ku jira kalsoonida ay madaxda iyo milkiilayaasha kooxda igu qabaan booskeyga kooxdana weerar lagu soo qaadey sidaa darteed waxaan dalbanayaa inaan la kulmo sida ugu dhakhsiyaha badan dhamaantood iyagoo wada jira ayuu si xanaaq leh u yiri Benitez oo u waramyey Sky Sports.

Muranka kooxda ayaa aad usoo shaac baxay markii mid kamid ah milkiilayaasha kooxda Tom Hicks uu isku dayey inuu ka dhaadhacsiiyo ninka shirkada kooxda kula ah ee George Gillett in shaqada laga ceyriyo maamulaha kooxda Rick Parry taasoo mr George Gillett uu ku gacan seeray.

Hicks ayaa markaas bilaabay olole ka dhan ah ninka shirkada la ah iyo weliba maamulaha kooxda isagoo ku tilmaamay Rick Parry musiibo kooxda ku dhex jirta isla markaana ku eedeeyey George Gillett inuu ahaa shakhsigii abaabulay kulankii Klinsmann isagoo xalka keliya ee kooxda ku sheegay in Liverpool aysan marnaba ka bexeen muran iyo isqabqabsi hadii uusan mr Gillett iska iibinin saamiga uu kooxda ku leeyahay.

Mr Hicks wuxuu balan qaadey hadii ay gacantiisa kusoo harto kooxda isagoo la kaashanaayo maalgeliyaal kale inuu tirtiro doono deynka badan ee kooxda lagu leeyaha.

- Awood ahaan aad beynu uga dambeynaa kooxaha kale ee tartanka nagala dhexeeyo, waxey aheyd inaan dhisano garoon cusub oo ka baaxad weyn kan aan hada ku ciyaarno 3 sano ka hor, waxaan heysanaa 2-3 isponsaro oo waa weyn halkii aan ka lahaan laheyn 12-15, waxaan iska dhega tirnay taageerayaasheena aadka u badan ee ku nool Asia mana garan karo sababta aan u sameyn weyney sida Manchester United iyo Barcelona oo sanadk kasta booqda, waxaa jira ilo dhaqaale oo aad u badan oo ay kooxda heli karto hase yeeshee aanan ka faa`iideysan waxaasoo dhana waxaa mas`uul ka ah maamulaha kooxda Rick Parry hadase waxaa la gaaray waqtigii uu kooxda isaga tagi lahaa ayuu si cad u sheegay mr Hicks oo wareysi siiyay Sky Sports shalayto.

Ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay Rick Parry iyo Gillett eedeymahaan kaga yimid Hicks hase yeshee waxey u egtahay in Liverpool gashay marxalad aad u adag hadii aan xal dhow loo helin murankan u dhexeeya milkiilayaasha, maamulka iyo macalinka kooxda waxeyse hada u muuqataa mid bilow ah oo saameyn weyna ku yeelan doonto mustaqbalka guud ahaan kooxda Liverpool.

Liverpool ciyaaryahanadeeda  weli saameyn kuma yeelan muranka sii xoogeysanaayo farahana kasii baxaayo waxey soo gaareen semifinaalaha tartanka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League waxeyna aad ugu egtahay in sanadka soo socdana ay ka qeyb geli doonaan maadama kaalinbta 4aad aan lagu ciriirnen.

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore