|
Ronaldinho
iyo Seedorf maxaa kala heysta? Wenger oo garwaaqsadey inuu u
baahanyahay laacibiin waayo arag ah iyo qubanayaal kale

Seedorf iyo Ronaldinho
17.04.2008, deeyoo.com
Waxaa soo muuqaneysa colaad u dhexeysa xidigaha waa
weyn ee Milan Seedorf iyo Ronaldinho Barcelona ka hor inta uusan
Ronaldinho kusoo biirin kooxda.
Seedorf ayaa todobaadkan horaantiisa sheegay inuu maaliyada
lambarka 10 uu sii heysan doono inta uu kooxda la joogo isagoo
uga digay Ronaldinho inuu soo haweysto kuna booriyey hadiiba ay
dhacdo inuu kooxda kusoo biiro inuu raadsado lambarada banaan.
Seedorf oo sharaxayey sababta ayaa sheegay in markii uu kasoo
tagayey Inter uu xirnaa lambar 10 kolkii uu Milan yimidna uu
lambar kale iska qaatey (20) maadaama 10 uu heystey Rui Costa
wuxuuna sheegay in Ronaldinho oo sidaas oo kale uu sameeyo.
Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya Milan waxey sheegayaan
in Seedorf ay u badan tahay inuu kooxda ka tago marka uu yimaado
Ronaldinho oo sida la rumeysan yahay isku darsan doono lambarka
iyo booska Seedorf.
Macalinka Arsenal mr Wenger ayaa garwaaqsadey in
kooxdiisa u baahan tahay ciyaaryahano waayo arag ah isagoo balan
qaadey in marka uu furmo suuqa kala gadashada ciyaartoyda uu
kooxda kusoo biirin doono labo ama ugu yaraan hal ciyaaryahan oo
waayo arag ah.
Bishii Janaayo ayey hogaanka kooxda u balan qaadeen 100
milyan oo pound si uu ciyaaryahano cusub ugu soo iibsado hase
yeeshee wuxuu ku celceliyey inuusan u baahneyn wejiyo cusub oo
uu heysto koox dhameystiran.
Ciyaaryahanda waayo araga ah ee uu Arsen Wenger sida gaarka
ah isha ugu hayo waxaa ka mid ah difaaca adag ee Bayern Munich
Lucio oo hore u sheegay inuu ka caro gedisanaayo kooxdiisa hadii
uu dalabaad ka helo koox kale oo weyn taasoo keentey in kooxaha
waa weyn ay saf dheer usoo galaan.
Kooxaha AC Milan iyo Bayern Munich ayaa ku dagaalamaya
sidii koox kasta ay u heli laheyd goolhayaha Fiorentina
Sebastien Frey sida ay soo werisey Gazzetta dello Sport.
Goolhaye Frey oo sanadkan muujiyey wacdaro la yaableh
isla
markaana horjooge u ahaa kooxdiisa oo sanadkan soo gaartey
semifinaalaha koobka UEFA isla markaana u eg iney kaalinta 4aad
ee horyaalka Talyaaniga ka cariirsanayaan Milan ayaa waqti sii
horeysey la hadal hayey inuu u wareegi doono kooxda Milan oo
baadigoobeysa boortihii bedeli lahaa Dida oo u eg inuu dhamaadey
waqtigiisa.
Laakiin hada waxey u muuqataa in kooxda Bayern oo sanadkii
hore aad u adeegatey dhadhamisayna mirihii ka dhashay ayaa mar
kale sanadkaan si weyn ugu jirta suuqa waxaana la sheegayaa in
Luca Toni oo Fiorentina laga soo gatay sanadkii hore uu kula
taliye Bayern inuusan ka fakan Frey maadaama uu dhamaadka bisha
May uu ciyaaraha ka fariisanayo goolhayahooda mudada dheer
Oliver Kahn.
Kooxda Real Madrid ayaa liiska ciyaaryahanada ay
beecineyso ku dartey ciyaaryahanka reer Brazil Baptista inkastoo
aysan sheegen lacagta ay ku doonayaan.
Tababaraha Real Madrid Bernd Schuster ayaa ka saaray Baptista
Liiska ciyaaryahanada uu ku tashanaayo horyaalka soo socda
taasoo ku qasbeysa Real iney iska gadaan, Kooxaha Juventus,
Tottenham iyo kooxda Turkiga ka dhisan ee Fanerbahce ayaa loo
maleynayaa inuu midkood aado inkastoo uu jiro qorshe kale oo ay
Real ku damacsantahay iney lacag iyo Baptista isugu darto kooxda
Sevilla si ay u helaan ciyaaryahan Daniel Alves.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |