|
Macalinka
Chelsea oo ku riyoonaya Kaka iyo Messi, in kabadan 10 ciyaartooy
oo kooxda ka tageysa

Kaka iyo Messi
17.04.2008, deeyoo.com
Macalinka Chelsea Avram Grant ayaa ku dhawaaqay inuu
qorsheynayo inuu soo iibsado laacibiinta waa weyn ee Kaka oo AC
Milan ah iyo Messi oo Barcelona ah wuxuuna sheegay iney aad
macquul u tahay in la arko labadaan ciyaaryahan oo xiran
maaliyada Chelsea horyaalka soo socda.
Labadan laacib oo sanadkan noqdey labada ciyaaryahan ee ugu
wanaagsan aduunka isla markaana u ciyaara kooxo awood dhaqaale
iyo magacba ku leh kubada cagta ayuu tababare Grant isweydiiyey
hadii ay macquul tahay iney Chelsea usoo wareegaan wuxuuna isugu
jawaabay haa maxaa yeelay Chelsea waa koox weyn.
Milkiilaha Chelsea Abramovich ayaa dhankiisa sheegay in
kooxda u baahantahay laacibiin fareesh ah iyadoo wararka laga
helaayo
gudaha Chelsea ay sheegayaan in ciyaaryahanada Andriy
Shevchenko, Claudio Pizarro, Steve Sidwell, Tal Ben-Haim,
Florent Malouda, Shaun Wright-Phillips, Carlo Cudicini iyo
Juliano Belletti ay kooxda iska iibin doonto halka
ciyaaryahanada Didier Drogba, Frank Lampard iyo Wayne Bridge
aysan ku qanacsaneyn kooxda inkastoo ay Chelsea rabto iney lasii
joogaan waxeyna u egtahay in kabadan 10 ciyaaryahan ay kooxda
isaga tagi doonaan dhamaadka xili ciyaareedka sanadkan.
Inkastoo xiriirka milkiilaha Chelsea iyo
macalinka kooxda Grant uu aad u wanaagsanyahay hadana waxaa mar
kasta la isweydiinayey illaa iyo waqtiga uu xilka sii heyn doono
iyo shaqada uu Chelsea ka qaban doono mustaqbalka.
Tan iyo markii uu kooxda isaga tagay tababarihii
caanka ahaa Jose Mourinho "Special One" waxaa jirey tababarayaal
caan ah oo lagu xiriiriyey inuu tababare u noqonayo Chelsea
waxaana ka mid ah tababaraha Barcelona Frank Rejkaard,
tababaraha Getafe Laudrup, macalinka Milan Ancelotti, tababaraha
qaranka Holland Van Pasten tababarihii hore ee Jarmalka
Klimsmann iyo
weliba
macalimiin kale oo badan.
Tababare Avram Grant ayaa hore u cadeeyey
inuusan kooxda tababare usii noqon doonin hadii uu ku guul
dareysto inuu hanto horyaalka Ingiriiska ama kan kooxaha Yurub
ee Champions League waxeyna hada u egtahay iney sii dhimaneyso
rajadiisa horyaalka Ingiriiska maadama ay 5 dhibcood ka
hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester United iyadoo 4
kulan oo keliyana ay ka hartey horyaalka.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |