|
Bayern Munich
koox aan la loodin karin!
Luca Toni
17.04.2008, deeyoo.com
Bayern Munich ayaa aad ugu dhow iney ku guuleystaan horyaalka
iyo koobka koobabka Jarmalka iyagoo 10 dhibcood ku hogaaminaayo
horyaalka xili 5 kulan oo keliya ay ka hartey markii ay xalay
3-1 uga soo badiyeen kooxda Frankfurt kulan ka tirsan horyaalka.
Bayern oo diyaar garow culus ugu jirta finaalaha koobka
koobabka Jarmalka oo ay Sabtida ku balan sanyihiin kooxda
Borussia Dortmund ayaa nasisay ciyaar yahano muhiim ah oo ay ka
mid yihiin boortaha ruugcadaaga ah Oliver Kahn iyo
gooldhaliyahooda weyn Klose.
Ciyaaryahan Köhler nikket ayaa kooxdiisa Frankfurt u suura
geliyey iney 1-0 ku hogamiyaan qeybtii hore ee ciyaarta hase
yeeshee qeybtii 2aad ayey Bayern dhaliyeen 3 gool isla markaana
la hoydeen 3dii dhibcood oo kulankaas, Daniel Van Buyten ayaa
dhaliyey goolkii bareejada halka gooldhaliyaha weyn ee Bayern
Lucca Toni dhaliyey labada gool ee kale isagoo tartanka
gooldhalinta ku hogaaminaayo 20 gool.
Borussia Dortmund ayaa niyad ahaan aad u liidata ka hor
kulanka finaalha oo ay Bayern isaga hor imaanayaan iyagoo
kulankoodii xalay 1-3 ay kaga adkaatey kooxda Hannover taasoo ah
guuldaradii 2aad 4 maalimood gudohood iyadoo kulankii kan ka
horeeyeyna ay 5-0 ku duugtey kooxda ay Sabtida isqaabili doonaan
ee Bayern.
Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Stuttgard waxey 3-0 ku
dhufteen kooxda sii dhaadheceysa ee Nurnberg iyagoo rajo aan aad
u xoogbadneyn ka leh iney soo galaan kaalinta 3aad ee ah booska
ugu dambeeya ee kooxdii gasha fursad u siinaya iney ka qeyb
galaan Champions League soo socda maadaama dalka Jarmalka loo
ogol yahay 3 koox oo keliya.
Kala horeynta kooxaha:
| 1 |
Bayern München |
29 |
55-17 |
63 |
| 2 |
Werder Bremen |
29 |
62-41 |
53 |
| 3 |
Schalke 04 |
29 |
47-31 |
51 |
| |
| 4 |
Hamburger SV |
29 |
37-21 |
48 |
| 5 |
VfB Stuttgart |
29 |
48-43 |
48 |
| |
| 6 |
Bayer Leverkusen |
29 |
50-31 |
47 |
| 7 |
VfL Wolfsburg |
28 |
45-39 |
43 |
| 8 |
Eintracht Frankfurt |
29 |
35-39 |
42 |
| 9 |
Hannover 96 |
29 |
43-47 |
41 |
| 10 |
Karlsruher SC |
29 |
32-36 |
41 |
| 11 |
VfL Bochum |
29 |
43-45 |
37 |
| 12 |
Hertha Berlin |
29 |
30-36 |
34 |
| 13 |
Borussia Dortmund |
29 |
42-53 |
34 |
| 14 |
Energie Cottbus |
29 |
30-48 |
29 |
| 15 |
Arminia Bielefeld |
29 |
27-52 |
28 |
| |
| 16 |
Hansa Rostock |
29 |
25-41 |
27 |
| 17 |
MSV Duisburg |
29 |
28-43 |
25 |
| 18 |
FC Nürnberg |
28 |
30-46 |
23 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |