|
Warakii ugu
dambeeyey iyo suuqa kala gadashada ciyaartooyda

ronaldinho
14.04.2008, deeyoo.com
Kooxaha isku magaalada ka dhisan ee Inter iyo Milan ayaa isku
haysta xidigii hore ee aduunka Ronaldinho oo xiriirka isaga iyo
taageerayaasha Barcelona uu aad u xumaadey.
Warar hor dhac ah ayaa sheegayey in shakhsi ahaan uu
Ronaldinho heshiis la gaaray AC Milan waxa kaliya ee dhimana ay
tahay in labada koox ay is afgartaan hase yeeshee gudoomiyaha
Inter Moratti ayaa ka dhawaajiyey in maalmaha soo socda ay
go`aansan doonaan qaabka ay u wajahayaan sidii Ronaldinho ugu
mid noqon lahaa ciyaartoyda Inter.
Ronaldinho walaalkiis ahna wakiilkiisa De Assis ayaa
dhankiisa sheegay isagoo jooga Milano in kooxda AC Milan tahay
kooxda ugu dhow ee uu ciyaaryahankan aadi doono shakhsi ahaana
ay Ronaldinho hesshiis gaareen hase yeeshee warar kale ayaa
sheegaya iney suuragal tahay in kooxaha Inter amaba Real Madrid
ay afgambi karaan Milan oo ay ciyaaryahankan lasoo wareegi
karaan.
Kooxda Bayern Munich oo sanadkii hore aad u adeegatey
ayaa u muuqata in mar kale ay suuqa ku jirto iyadoo lasoo hadal
qaadey dhowr ciyaaryahan oo caan ah oo ay ku tala jiraan iney ku
xoojiyaan kooxda.
Ciyaaryahanda Bayern ay sii calaamadeysatey waxaa ka mid ah
xidiga qadka dhexe ee Milan Gatusso oo ay u badan tahay in
waqtigiisii Milan soo dhamaanayo.
Xidigaha ay Bayern rabto waxaa ka mid ah xidiga qadka dhexe
ee Arsenal Flaminni, xidiga qadka dhexe ee Barcelona Decco hase
yeeshee ma fududaan doonto maadaama ay kooxo kale suuqa kula
jiraan.
Gattuso oo aad loo saadaalinaayo inuu ka tegaayo Milan
waxaa ka mid ah kooxaha dadaalka ugu jira iney lasoo wareegaan
Man.UNited, Tottenham iyo Newcasle, sidoo kale waxaa laga yaabaa
inuu ku noqdo kooxdiisii hore ee Rngers oo uu usoo ciyaarey
sanadkii 97-98 waxaana arintan macquul klasii dhigaya xaaskiisa
oo reer Scotland ah.
Flaminni oo sanadkan ahaa mid kamid ah ciyaaryahanda
ugu muhiimsan Arsenal ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo
caan ah taasoo ku dhiira gelisay inuu iska diido heshiis cusub
oo uu Arsenal lagalo kaasoo loogu labalaabi lahaa mushaharka uu
hada qaato oo dhan 1 milyan oo Pound sanadkii.
Kooxda Juventus oo hore sida uu sheegay tababae Arsen Wenger
ka balan qaadey ineysan suuqa soo galin illaa iyo inta ay
dhameysanayaan wadahadalkooda ayaa hada u muuqata iney
dhinacooda saf kasoo gali doonaan iyagoo sida lasoo wariyey
diyaar la ah lacag dhan 3 milyan oo euro sanadkii.
Flamini oo 23 jir ah waxa uu xaq u leeyahay inuu aado koxdii
uu doono sida uu qabo sharciga Bosman maadaama
qandaraaskii uu kula jiray Arsenal oo gabogabo yahay taasoo dhib
ku noqoneysa Arsenal iney tartan la gasho kooxaha Juventus ama
Bayern.
Xidiga 26 jirka ah ee Chelsea Wright Phillips ayaa
laga yaabaa in sanadka soo socda uu u wareego kooxdiisii hore ee
Manchester
City oo dadaal weyn ugu jirto sidii ay usoo ceshan laheyd.
Wright Phillips oo 2005 ay Chelsea ka bixisay 21 milyan oo
Pound ayaa la sheegayaa inuu aad u daneynayo inuu isaga tago
kooxda waxaana jira warar sheegaya in Manchester City ay isku
dayeen bishii Janaayo iney lasoo wareegan hase yeeshee loo
sheegay inuusan beec aheyn illaa uu dhamaanayo xilli ciyaareedka
hada lagu jiro, Man.City waxey diyaar layihiin 10 milyan oo
Pound taasoo u eg iney Chelsea aqbali doonto.
Laacibka Arsenal Alexander Hlep ayaa la sheegayaa inuu
heshiis hoose la galay kooxda Inter inkastoo ciyaaryahanka iyo
Interba ay hore u beeniyeen.
Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in Inter u balan qaadey
xidigan iney siinayaan qandaraas 5 sano ah oo ku kacaya aduun
dhan 15 milyan oo euro isla markaana ay Arsenal kaga gadan
doonaan 14 milyan oo euro.
Inter waxey aad u raadinayaa ciyaaryahan u bedela xidiga
baalka ka ciyaara ee cuslaadey Luis Figo oo konturaadiisa ku
egtahay bartamaha sanadkan, wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo
kale xidiga Sevilla diego Capel laga yaabo inuu noqdo
ciyaaryahanka buuxiya booska uu baneyn doono Luis Figo oo laga
yaabo inuu ciyaaraha ka fariisto amaba uu u baqoolo horyaalka
Mareykanka ee MLS oo uu kaga horeeyo xidigii ay waa isku kooxda
ahaayeen ee Beckham.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |