|
Bayern Munich oo dirqi kaga
baxsatey Getafe, Fiorentina, Rangers iyo Zenit oo ku wehliya
semifinaalaha koobka UEFA.

Luca Toni oo gool dhaliyey daqiiqadii ugu
dambeysey
11.04.2008, deeyoo.com
Getafe vs Bayern Munich 3-3(isku darka labada kulan 4-4)
Bayern ayaa kusoo baxdey sharciga mudnaanta goolka banaanka
Luca Toni oo u safta kooxda weyn ee Jarmalka Bayern Munich
ayaa u suura geliyey iney si dirqi ah ugu soo gudubtay
semifinaalaha koobka UEFA markii uu 2 gool dhaliyey 5tii daqiiqo
ee ugu dambeysey waqtigii dheeriga ahaa ee lagu darey markii
90kii daqiiqo ee ciyaarta mar kale ku dhamaatey 1-1 isagoo dilay
rajadii Getafe oo 3dii daqiiqo ee ugu horeysey waqtigii lagu
daray 2 gool dhalisey.
Getafe oo aad loo rumeysnaa ineysan sinaba u hor istaagi
karin kooxda magaca leh ee Bayern Munich isla markaana
bareejadii ay ku soo galeen Munich ay nasiib aheyd ayaa
daqiiqadii 6aad ee bilowgii ciyaarta guduud laga siisey
ciyaaryahan Ruben de la Red taasoo ceel dheer ku sii riday rajo
laga qabay in Geatfe semifinaalaha soo gaarto hase yeeshee
ciyaaryahan Contra ayaa gool koontaro ah u dhaliyey Getrafe
dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastey 1-0
oo ay Getafe ku hogaamineysay.
Franck Ribery ayaa Bayern ciyaarta kusoo celiyey markii uu
gool u dhaliyey hal daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta, maadaama
kulankii horena uu 1-1 ku dhamaadey si loo kala saaro waxaa lagu
darey 30 daqiiqo oo dheeri ah taasoo markii ay bilaabateyba ay
ciyaaryahanada Getafe oo hal qof la dheeraa ay sidii hirgii uga
dul dheceen goolka Bayern iyagoo 3dii daqiiqo ee ugu horeyseyna
ay laba gool u kala dhaliyeen Francisco Casquero iyo Braulio
markaasoo taageerayaasha Getafe isa siiyeen guusha illaa 5tii
daqiiqo ee ugu dambeysey uu ka jajabiyey Luca Tonni oo laba gool
u dhaliyey Bayern.
Bayern waxey semifinaalaha isaga hor imaanayaa kooxda Ruushka
ee Zenit oo 4-1 isku darka labada kulan ku dhufatey Bayern
Leverkusen iyadoo kulanka kale ee semifinaalaha uu dhex mari
doono kooxaha Fiorentina oo Talyaani ah iyoRangeres.
Fiorentina waxey 2-0 (isku darka labada kulan 3-1) uga soo
talaabsatey kooxda PSV halka Rangers ay 2-0 ku suldaartey kooxda
Portoqiiska ah ee Sporting Lisboa.
Kulamada wejiga hore ee semifinaalaha ayaa la ciyaarayaa 23ka
Abril hadii Alle idmo.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |