|
Juventus oo garaacdy Milan oo ku
dhow ineysan ka qeyb galin Champions League soo socda

Salihamidzic iyo Laquinta
013.4.2008, deeyoo.com
Naadiga Juventus waxay 3-2 ugu awood sheegteen kooxda AC
Milan isla markaana mugdi geliyey rajadoodii ka qeybgalka
Champions League sanadka soo socda.
Juventus oo garoonkooda lagu ciyaaraayay ayaa gool uu u
dhaliyey xidiga ruugcadaaga ah Del Piero hogaanka ku qabatey
hase yeeshee waxaa 2 gool ugu jawaabay gooldhaliyaha weyn ee
Milan Inzaghi ciyaartiina ka dhigay 2-1 ka hor intii uusan
goolkii bareejada Juventus u dhalin dhamaadkii qeybtii hore
ciyaaryahan Salihamidzic.
Salihamidzic ayaa goolkii guusha u dhaliyey Juventus 10
daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta iyadoo Milan ay ku
ciyaareysey 10 ciyaaryahan markii guduud laga siiyey Bonera
bartamihii weybtii labaad ee ciyaarta.
Juventus ayaa u muuqata iney xaqiijisey ka qeyb galka
Champions League sanadka soo socda halka Milan ay aad u rajo
xuntahay iyagoo 4 dhibcood ka hooseeya kooxda Fiorentina oo 4aad
ku jirtas xili 5 ciyaar oo keliya ay u harsantahay.
Kulan kale ee la ciyaarey ayey Palermo 1-0 ku tuntay kooxda
Catania.
Caawa waxaa kulan adag isaga hor imaan doono kooxda hogaanka
heysa ee Inter iyo kooxda 4aadka ku jirta ee Fiorentina.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |