Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   

Man.United oo ku dhow hanshada horyaalka, Arsenal oo ka hartey ku tartanka horyaalka

Hargreives oo u dabaaldegaya goolkiisii

13.04.2008, deeyoo.com

Manchester United ayaa ku dhow in markii 2aas ee isku xigta loo caleema saaro horyaalnimada Ingiriiska markii ay maanta 2-1 ku tumeen kooxda Arsenal.

Kulankaan oo min bilowgiisii iyo dhamaadkiisaba uu aad u xiisa badnaa isla markaana ay labada kooxba soo bandhigeen ciyaar ay farsamadeeda aad u sareysey ayaa qeybtii hore lagu kala nastay goolal la`aan inkastoo Weyne Rooney iyo Adabayor fursado aad qaali u ahaa ka qasaariyeen kooxdooda.

Adabayor ayaa kooxdiisa usuura geliyey iney qabtaan hogaanka ciyaarta markii uu madax ku dhaliyey hase yeeshee Ronaldo iyo Hargreaves ayaa ciyaartii gediyey kana dhigay iney Manchester ku badiso 2-1

C.Ronaldo ayaa goolka hore oo rigoore ahaa u dhaliyey kooxdiisa isagoo xajistay hogaanka tartanka gooldhalinta oo uu 28 gool ku hogaaminaayo isgoo guud ahaan goolasha uu dhaliyey sanadkan ka dhigay 38 gool, goolka 2aad ee Man.United oo boloziyoone aad u qurux badan ahaa waxaa dhaliyey ciyaaryahan Owen Hargreaves.

Guuldaradaan ka dib Arsenal waxey 9 dhibcood ka hooseysaa Man.United iyadoo min 4 kulan oo keliya  u harsantahay taasoo aan macquul aheyn in sanadkaan Arsenal qado horyaalka halka Man.United ay talaabo weyn hore ugu sii qaadeen hanashada horyaalka inkastoo weli Chelsea ay tartan culus kula jirto oo hadii ay badiyaan kulanka ay berito ku marti gelin doonaankooxda Wigan ay 3 dhibcood oo keliya usoo jirsan doonaan.

Liverpool ayaa qarka u saaran iney xaqiijiyaan kaalinta 4aad iyagoo 3-1 ku dhuftey kooxda Blackburn, gooldhaliyaha weyn ee Liverpool Fernando Torres ayaa dhaliyey goolkii 2aad ee koxdiisa isagoo iskoor cusub u dhagay taariikhda Liverpool markii uu todobo kulan oo isku xigta uu gool ku dhaliyey garoonkooda, Torres goolkii uu maanta dhaliyey wuxuu ahaa goolkiisii 30 tartamada oo dhan isagoo weliba sanadkii ugu horeeyey uu ka ciyaarayo horyaalka Ingiriiska.

Kulamada u haray kooxaha loolanka ka dhexeeyo ee Man.United iyo Chelsea:

Kulamada u haray Man.United
Blackburn - Manchester United
Chelsea - Manchester United
Manchester United - West Ham
Wigan - Manchester United

Kulamada u haray Chelseas:
Chelsea - Wigan (berito)
Everton - Chelsea
Chelsea - Manchester United
Newcastle - Chelsea
Chelsea - Bolton

Kala horeynta kooxaha:

Manchester United 34 25 5 4 72 18 80
Chelsea 33 22 8 3 58 23 74
Arsenal 34 20 11 3 64 29 71
Liverpool 34 18 12 4 60 26 66
Everton 34 18 7 9 50 28 61
Portsmouth 34 16 9 9 47 33 57
Aston Villa 34 15 10 9 62 44 55
Manchester City 34 14 10 10 39 40 52
Blackburn 34 13 12 9 44 42 51
West Ham 34 12 8 14 35 41 44
Tottenham 34 10 11 13 63 57 41
Newcastle 34 10 9 15 40 58 39
Middlesbrough 34 8 12 14 31 48 36
Sunderland 34 10 6 18 33 52 36
Wigan 33 9 7 17 30 47 34
Reading 34 9 5 20 37 63 32
Birmingham 34 7 10 17 39 52 31
Bolton 34 7 8 19 31 52 29
Fulham 34 5 12 17 32 56 27
Derby 34 1 8 25 16 74 11

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore