Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Ciyaaryahan Ciise dheere oo aan weli u safan kooxdiisa Lillestrøm waraaqihii aqoonsiga ciyaaryahanimo oo aysan soo dirin X.S.K.C. darteed

Ciise Abshir Aadan

04.2008, deeyoo.com

Xidiga Soomaaliyeed ee mustaqbalka ku leh ciyaarta kbada cagta Ciise Abshir Aadan ayaa loo diiday inuu safto kulankiisii ugu horeeyey ee kooxdiisa Cusub Lillestrøm maadaama aysan weli soo gaarin waraaqihii aqoonsiga ee ciyaaryahanimo Xiriirka kubada cagta ee Norwey (NFF) inkastoo waqti hore lagu wargeliyey lagana codsadey Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta X.S.K.C. iney soo diraan waraaqahaas.

- Ma garan karo sababta aanan weli u helin waraaqihii aqoonsi ee ciyaaryahanimo oo aan rajeynaayey iney isoo gaari doonto dhamaadkii sanadkii hore, Ma garan karo sababta ay u qaadatay waqtigaas aadka u dheer ayuu yiri ciyaaryahan Ciise dheere oo u waramayey wargeyska Romerike oo kasoo baxa dalka Norwey.

Waxey aheyd waqti yar uun ka hor intii uusan xermin suuqa kal gadashada ciyaartoyda markii xiriirka kubada cagta Norwey (NFF) u sheegeen kooxda Lillestrøm inuusan u ciyaari karin ciyaaryahan Ciise Dheere maadaama uusan ka heysan waraaqo aqoonsi Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta (X.S.K.C.)

- Waxa keliya ee aan illaa iyo hada helnay waa fariin e-mail ay noo soo direen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo ay noogu sheegeen in dhowaan ay noosoo jawaabi doonaan ayuu yiri afhayeen u hadlay NFF Stein Pedersen oo u waramayey isla wargeyska Romerike.

Ciise Dheere oo ah ciyaaryahan aad u hanweyn ayaa u sheegay wargeyska Romerike oo uu wareysi siiyey inuu yahay ciyaaryahan orod badan, goosmo badan isla markaana madaxa qatar ku ah .

Ciise Dheere oo sanadkii hore kooxda heerka 2aad iyo 3aad ee Lillestrøm u dhaliyey 22 gool 25kii kulan ee uu saftey ayaa soo jiitay indhaha tababaraha kooxda oo markiiba dalbadey in Ciise loosoo gudbiyo heerka 1aad.

- Maadaama uu yahay ciyaaryahan farsamadiisa sareyso oo runtii aad u xiisa badan ayuu ku kasbadey inuu boos ka helo kooxda heerka 1aad inkastoo uu waqti u baahan yahay ayuu yiri tababaraha kooxda Lillestrøm Tom Nordlie.

- Waqtigii ugu muhiimsanaa mustaqbalkeyga ciyaaryahanimo.

Markii aan helnay wararkan aadka u naxdinta badan ayaa waxaa noo suurta gashay inaan la kulano ciyaaryahan Ciise Dheere oo aysan wax muruga ah ka muuqan wuxuuna noo sheegay inuu dhowaan rajeynayo inuu helo waraaqaha aqoonsiga markaas ka dibna isla maalinta uu helo maalinteeda kale uu rajeynaayo inuu fursad u helo inuu cadeeyo heerka ay gaarsiisan tahay laacibnimadiisa.

- Waxa ugu badan oo aan ka fekero waa waqtiga iga lumay intii waraaqahaas la sugaayey oo runtii ahaa waqtigii ugu muhiimsanaa mustaqbalkeyga ciyaaryahanimo illaa waqtigan la joogo maadaama ay hada i dhaafeen kulamadii ugu horeeyey horyaalka sanadkan, waxaa jira ciyaaryahano badan oo uu tartan naga dhexeeyo si aan   booskeena u xirano marka waa qiyaasi kartaa hadii ciyaaryahanadaas ay safan karaan anigana aan waraaqo u xayiranahay waxa dhici kara maxaa yeelay hadii ciyaaryahanadii aan booska ku dagaalameyney ay isxoreeyaan oo ay si wanaagsan u ciyaaraan wey adagtahay inaan markaas aniga boos helo laakiin waxaan rajeynayaa ineysan waqti kale iga dhumin waraaqaha aqoonsiga oo aan rajeynaayo iney dhowaan isoo gaaraan ayuu yiri ciyaaryahan Ciise Dheere oo u waramayey deeyoo.com isagoo dhinaca kalena nasiib darro ku tilmaamay hadii ay dhacdo inuu waayo booskii uu kooxda ka rajeynaayey isagoon hal kulan ciyaarin waraaqahaas ka maqan dartood.

Mar aan weydiinay in shaqsi ahaan isaga uu xiriir la sameeyey X.S.K.Cagta iyo hadiiba uu jiro xiriir noocaas ah cida uu la xiriiray wuxuu ku gaabsadey inuu la xiriiray xubin sare oo ka tirsan X.S.K.Cagta hase yeeshee uusan faahfaahin intaa dheer ka bixin karin uuna rajeynaayo in dhinaca xiriirka ay dhowaan kasoo dhamaato.

Tigidho lacag la`aan ah

Naadiga Lillestrøm waxey 50 bilyeeti (tikid) oo lacag la`aan ah ugu deeqeen xerada qaxootiga ee Skedsmo oo aheyd xeradii qaxootiga ee uu ku jiray ciyaaryahan Ciise Dheere si dadka xeradaas ay nasiib ugu yeeshaan iney daawadaan kulankii furitaanka horyaalka Norwey oo ay Lillestrøm isaga hor yimaadeen kooxda Tromsø taasoo ku tuseysa sida uu muhiimka ugu yahay ciyaaryahan Ciise Dheere kooxda Lillestrøm.

Ciyaaryahan Ciise Dheere ama Ciise midnimo oo ay dadka qaar u yaqaanaan ayaa dhammadkii sanadkii tagay qandaraas 2 sano ah u saxiixay kooxda heerka 1aad ee Lillestrøm oo ka dhisan dalka Norwey kana mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka Norwey.

Waxaan aad ugu faraxsanahay iney jiraan ciyaaryahanimo Soomaaliyeed oo mustaqbal fiican ku leh ciyaarta kubada cagta, waxaana rajeynayaa in X.S.K.Cagta oo loo aas-aasay horumarinta kubada cagta inuu dadaalkiisa isugu geeyo sidii loo dhiira gelin lahaa ciyaaryahanda Soomaaliyeed ee farakutiriska ah oo dadaalka ugu jira iney noqdaan muraayad ay iska daawadaan dhalinteena dambe.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore