Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Xiriirka Cayaaraha Fudud oo qaban qabo xooggan ugu jira tartamada ka kala dhacaya Djabuuti iyo Ethiopia.iyadoo ay shan xidig Soomaliya ay u matalayaan tartamadaan

 

12.04.2008, deeyoo.com

Waxaa lagu wadaa in maalinta Axadda ee soo aaddan in ilaa saddex xidig oo ah cayaartooyda xulka cayaraha Fudud ay ka ambo baxaan magalada Muqdsisho iyagoo ku sii jeeda dalalka Djabuuti iyo Etoobiya.

Dalka Soomaliya ayaa tartamo ka kala dhacaya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya waxaa ugu qeyb galaya ilaa Shan xidig iaydoo saddex ay ka baxayaan gudaha Dalka Soomaliya halka labada kale ay ka imanayaan dibadaha.

Maxamed Xasan oo ah xidig carara 5 kun ayaa waxa uu ka imaanaya dalka Itoobiya,Maxamed Canogeel ayaa isna waxaa uu ka imaanaya dalka Sudan labadaan xidig ayaa ah kuwa ku sugan meel kabaxsan gudaha dalka Soomaliya,

Cabdalla Maxamed Xuseen oo ku magic dheer Weeha oo carara 4 boqol iyo 8 boqol,C/naasir Saciid Ibraahim oo lagu naanayso Kaneeco oo carara 5 kun iyo 10 kun iyo gabadha lagu Magacaabo saamiyo oo iyana cararta 2 Boqol iyo 4 Boqol. Ayaa ah xidigaha ka baxaya gudaha Dalka Soomaliya.

Xidigaan shanta ah afarta wiil iyo gabadha ayaa ah kuwo matalaya qaranak Soomaliya waana xidigo da’yar oo mustaqbal ku leh cayaraha,iyadoo uu kamid yahay xidigahaan C/naasir Saciid Ibrahin (KANEECO) oo tartan lagu qabtay dalka Jabuuti ka galay kaalinta 11-aad ilaa shan boqol cayaartooy tartan ay ka qeyb galeen bilaaawgii sanadkaan.

Tartamadaan ay ka qeyb qaadanayaan shantaan xidig oo ay u ambo baxayaan ayaa kala ah Tartanka Orodada Bariga Afrika oo ka dhacaya dalka Jabuuti kaa oo furmaya 17 bishan iyo tartanka Horyaalka Orodada qaaradda Afrika oo ka dhacaya dalka Itoobiya kaa oo isna furmaya dhamadka bishan.

Xiriirka cayaraha fudud ayaa waxa uu ka soo dhex xulayaa xidigahaan ka qeyb galaya tartamadaan ka dhacaya gudaha qaaradda Afrika xidigii u matali lahaa dalka Soomaliya Tartanak cayaraha Olombikada Adduunka oo lagu wado in uu dhaco bisha Agoosto ee Sanadkaan.sida uu u xaqiijiyay boggaan Deeyoo Xog-hayaha xiriirka Cayaraha Fudud Faarax Cali Macalin oo aan ku booqanay Xafiiskiisa.

Xiriirka cayaraha fudud ayaa ka mid ah xiriirada firfircoon ee ka qeyb gala tartamada caalimiga.isla markaana natiijo wanagsan ka keena mararka qaar sida Cayaaryahan Soomaliyeed ee Kaneeco oo kaalinta 11-aad ka galay tartan ay ka qeyb galeen xidigo gaaraya shan boqol oo cayartooy

 

Aweys Maxamed Macalin
Deeyoo.com

Xafiiska wararka
Muqdisho - Somalia

aweysmukay78@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore