|
Liverpool iyo Chelsea mar kale!

Goolkii Babel
08.04.2008, deeyoo.com
Liverpool ayaa usoo talaabtey semifinaalaha Champions League
markii 3aad 4tii sano ee ugu dambeysey ka dib markii kulan aad u
xiisa badnaa ay 4-2 ugu awood sheegteen kooxda Arsenal.
Arsenal oo ciyaartaan ku qasbaneys iney gool dhaliso ayaa
dardar lasoo gashay garoonka waxaana usuura gashay iney gool
helaan daqiiqadii 13aad ee ciyaarta markii uu Hlep baas qurxoon
siiyey Abou Diaby oo darbad xoogan daba marsiiyey goolhaye
Riena.
Liverpool oo taxadar badan ka muuqdey bilowgii ciyaarta aadna
looga ciyaar fiicnaa ayaa gool bareejo waxaa madax ugu dhaliyey
ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara ee reer Finland Sami Hyypia oo
ka faa`iideystey koorno ay kooxdiisa heshay markii ay ciyaarta
socotey kudhowaad 30 daqiiqo.
Qeybtii 2aad ayey Liverpool la wareegtey maamulkii ciyaarta
iyadoo aad loo dareemayey daal ka muuqdey dhalinta Arsenal,
gooldhaliyaha qatarta ah ee Liverpool Fernando Torres ayaa gool
aad u qurux badan u dhaliyey kooxdiisa 20 daqiiqo ka hor
dhamaadkii ciyaarta ka dib markii uu kubada si xirfadeysan ugu
dagsadey gudaha xerada ganaaxa lana soo dhaafay Sendaros isla
markaasna darbo kore gees ka geliyey shabaqa Arsenal ciyaartiina
ka dhigay 2-1.
Arsenal oo u ekeyd iney niyad jabeen ayaa rajadii kusoo
noqotey 6 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta markii xidiga
dhalinta yar Theo Walcott uu kubada kasoo qaatey afka hore ee
goosha Arsenal isla markaana lasoo dhex jeexay 5 ka mid ah
laacibiinta Liverpool illaa uu 5 mitir usoo jirsadey goosha
Liverpool markaasoo baas dib ah u dhigay Adabayor oo si fudud
udaba mariyey boortaha Liverpool ciyaartiina ka dhigay 2-2
natiijadaasoo Arsenal kusoo bixi laheyd laakiin waxaa
diiday ciyaaryahan Babel oo hal daqiiqo ka dib kooxdiisa u
qalqaaliyey rigoore shaki ku jiro taasoo kabtan Gerrard si
maskaxadeysan shabaqa ugu lulay.
Babel ayaa goolkii 4aad lugtiisa ku dhaliyey noqdeyna
halyeygii Liverpool inkastoo uu garoonka ku jiray wax ka yar 15
daqiiqo markii uu orod kasoo bilaabay kala barka garoonka uuna
kasoo xoogsadey ciyaaryahan Fabregas oo ay kasii dhamaaneysey
shabaqana ku hubsadey ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta.
Labadan koox oo sanadkan 3 kulan oo ay isaga horyimaadeen
kuwada dhamaadey 1-1 ayaa la saadaalinaayey in kulankaana uusan
wax badan ka duwanaan doonin oo goolal badan looga fadhinin hase
yeeshee iyadoo weli kulamo badan dhiman yihiin ayaa aad loo
rumeysan yahay inuu kan noqon doono kulankii sanadkan ee
Champions League.
Liverpool oo markii 3aad semifinaale timid 4tii sano ee ugu
dambeysey waxey markii 3aad 4tii sano ee ugu dambeysey kulanka
semifinaalaha isaga hor imaan doonaan kooxda Chelsea oo
kulankoodii caawa 2-0 ku dhuftey kooxda sida lama filaanka ah
kusoo gaartey wareega 8da koox ee Fenerbahce oo Turkiga ka
dhisan.
Chelsea ayaa labada gool kala dhalisey labada qeyb ee
ciyaarta iyadoo goolkii hore uu madax ku dhaliyey Ballak
daqiiqadii 4aad ee bilowgii ciyaarta halka goolka labaadna uu
dhaliyey Frank Lampard 3 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta.
Chelsea ayaa hada heysata fursad ay kaga aargudan karto
Liverpool oo sanadihii 2005 iyo 2007 semifinaalaha ku reebtay
waxaana kulanka 1aad ee semifinaalaha ay ciyaari doonaan 22
Abril hadii Alle idmo iyadoo kooxdii adkaata isku darka labada
kulana ay finaalaha gaari doonto iyadoo sanadkan lagu ciyaari
doono magaalada Moosko ee dalka Ruushka.
Habeen dambe ayaa la ogaan doonaa kooxaha kusoo biira Chelsea
iyo Liverpoolo iyadoo aad loogu maleynaayo Man.United oo la
ciyaari doonto Roma iyo Barcelona oo marti gelin doonto kooxda
Jarmalka ah ee Schalke.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |