Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Chelsea oo farqaha ku dhegen Man.United, Arsenal oo macsalaameysey rajadii ay ka qabeen horyaalka

Alvez (midig) iyo Dawning

06.04.2008, deeyoo.com

Manchester United ayaa barbardhac 2-2 ah la gashay kooxda Middlesbrough halka kooxda labaadka ku jirta ee chelsea ay 2-0 kaga soo badiyeen kooxda Man.City iyagoo hada usoo jirsaday 3 dhibcood oo keliya ka hor kulanka weyn ee ay labadan koox ee Chelsea iyo Man.United isaga hor imaan doonaan garoonka Stampfordbridge 26ka bishan.

Man.United ayaa kulankiimaanta heshay bilow fiican markii uu xidiga maalmahaan shidan C.Ronaldo gool u dhaliyey kooxdiisa daqiiqadii 10 hase ahaatee ciyaaryahan ciyaaryahan Afonso Alvez ayaa laba gool u kala dhaliyey labada qeybood ee ciyaarta kooxdiisa Middlesbrough natiijada ciyaaratana ka dhigay 2-1.

Wayne Rooney ayaa kooxdiisa Man.United ka badbaadiyey guul daro ay markii labaad horyaalka sanadkan kala kulmaan Middlesbroug markii uu gool bareejo ah u dhaliyey rubi saac ka hor dhamaadkii ciyaarta.

Chelsea oo dhankeeda shalay 2-0 kaga soo badisay kooxda Man.City ayaa hada u muuqata iney rajo aad u wanaagsan ka leeyihiin hanashada horyaalka oo bil ka hor ay aad u yareyd.

Chelsea ayaa u muuqata dhanka saadaasha iney u harsan yihiin kulamo ka fudud kuwa u haray Man.United taasoo dhiira gelin weyn u ah niyada ciyaaryahanada Chelsea inkastoo mar kastana kulamada qeybaha dambe ee horyaalka ay aad u adag yihiin kooxdey doontaba ha noqotee.

Kulamada Man.United u haray ayaa kala ah Arsenal (gurigooda), Blackburn (banaanka) Chelsea (b) West Ham (h) iyo Wigan (b).

Kulamada Chelsea u haray ayaa kala ah Wigan (h), Everton (b), Man.United (h), Newcastle (b) iyo Bolton (h)

Arsenal oo waqti aan aad u fogeyn loo saadaalinaayey hanashada horyaalka ayaa hada u muuqata in tareenkii ka tegey markii ay ciyaaryahanda aadka u da`da yar ka jiifatey waqtigii loo baahnaa iyagoo 7dii kulan ee ugu dambeysey horyaalka hal kulan oo keliya badiyey, Arsenal oo todobaadkan bareejo 1-1 ah la gashay Liverpool waxa ay 6 dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Man.United oo ay sabtida isqaabili doonaan.

 

Kulamadii Todobaadkan

Kala horeynta kooxaha

05.04.08
Arsenal Liverpool 1 - 1
Aston Villa Bolton 4 - 0
Blackburn Tottenham 1 - 1
Fulham Sunderland 1 - 3
Man. City Chelsea 0 - 2
Newcastle Reading 3 - 0
Wigan Birmingham 2 - 0
06.04.08
Middlesbrough Man. United 2 - 2
Everton Derby 1 - 0

Gool dhalinta waxaa 27 ku hogaaminaayo C.Ronaldo oo Man.United ah waxaa kusoo xiga Torres oo Liverpool ah oo 21 leh halka 3aadna uu ku jiro Adabayo 00 Arsenal ah oo 19 gool leh

Man. United 33 24 5 4 77
Chelsea 33 22 8 3 74
Arsenal 33 20 11 2 71
Liverpool 33 17 12 4 63
Everton 33 18 6 9 60
Portsmouth 32 15 8 9 53
Aston Villa 33 14 10 9 52
Blackburn 33 13 12 8 51
Man.City 33 13 10 10 49
West Ham 32 12 8 12 44
Tottenham 33 10 10 13 40
Newcastle 33 10 8 15 38
Sunderland 33 10 6 17 36
Middlesbrough 33 8 11 14 35
Wigan 33 9 7 17 34
Reading 33 9 5 19 32
Birmingham 33 7 9 17 30
Bolton 33 6 8 19 26
Fulham 33 4 12 17 24
Derby 33 1 8 24 11

Asad A. Omar "afey"

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore