|
Manchester United iyo Barcelona
oo min hal lug la galay semifinaalaha Champions League

C.Ronaldo
02.04.2008, deeyoo.com
Manchester United ayaa hal lug la gashay semifinaalaha koobka
weyn ee Chambions League markii ay 2-0 banaanka kaga soo
badiyeen kooxda kaalinta 2aad kaga jirta horyaalka Talyaaniga ee
Roma.
C.Ronaldo oo la rumeysan yahay in waqti xaadirkaan uu yahay
ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka ayaa goolkii hore madax ku
dhaliyey 5 daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore halka Rooney
Weyne uu goolkii 2aad u dhaliyey kooxdiisa bartamihii qeybtii
2aad, guushaan ayaa ah markii ugu horeysey oo ay Man.United
banaanka kaga soo badiso Roma.
Difaaca Roma ayaa u muuqdey ciyaarta bilowgeedii iney
qariyeen Ronaldo oo aan la arkin qeybtii hore oo dhan hase
yeeshee wuxuu tusay inuu u baahan yahay hal fursad keliya si uu
u noqdo farqiga u dhexeeya labada koox.
Roma ayaa qeybtii dambe aad uga ciyaar wanaagsaneyd
Man.United hase yeeshee waxey ku guul dareysteen iney ka
faa`iideystaan fursadihii badnaa ee soo maray taasoo
ciqaabteedana ay noqotey in iyaga laga dhaliyo gool koontaro ah
oo niyad jab ku riday wixii markaas ka dambeeyeyna in Roma gool
iska soo gudo waxaa ka dhawaa in mid 3aad laga dhaliyo iyadoo
Ronaldo ku dhowaadey inuu dhaliyo goolkii 3aad hase yeeshee ay
birta kaga dhacdey.
Barcelona ayaa sidoo kale lug kula jirta semifinaalha
tartankan markii ay 1-0 kaga soo badiyeen kooxda Jarmalka ah ee
Schalke oo aan wax fursad gool lagu dhalin karay helan
guud ahaan ciyaarta.
Goolka ay ku badisey Barcelona waxaa u dhaliyey xidiga 17
jirka ah Bojan Krkic daqiiqadii 11aad ee ciyaarta marki uu baas
ka helay Henry waxeyna hada u egtahay in Barcelona ay
semifinaalaha isku qaabili doonaan kooxda Man.United hadii aysan
dhicin mucjiso.
Ciyaaryahanada Barcelona oo todobaadkan ay ku fooriyeen kuna
oriyeen taageerayaashooda markii iyagoo 2-0 ku hogaaminaayey 3-2
ay kaga badisey Real Betis islammarkaana ay sii xumaatey rajadii
ay ka qabeen hanashada horyaalka Spain ayey dadka qaar sii
saadaalinayeen iney wax weyn u dhimi doonto niyada ciyaartoyda
Barcelona laakiin hada waxey u muuqdaan iney dhiiragelin u
noqotey maadaama ay banaanka kusoo badiyeen iyadoo weliba ay ka
maqanyihiin xidigii waa weynaa ee kooxda sida Ronaldinho, Deco
iyo Lionel Messi.
Caawa waxaa balansan kooxaha Arsenal vs Liverpool iyo
Fernabehc vs Chelsea oo aan idiin soo gudbin doono sida ay u
dhacdo hadii Alle idmo.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |