Cayaaryahan Soomaaliyeed oo heshiis la galay kooxda Lillestrøm oo ka dhisan Norwey

 


Ciise dheere (xuquuqda sawirka lsk.no)

30.10.2007, deeyoo.com

Ciyaaryahan Ciise Abshir Aden (Ciise dheere) oo Somalida qaar ay u yaqaanaan Ciise Midnimo ayaa qandaraas 2 sano ah la galay kooxda Lillestrøm oo ka mid ah kooxaha heerka 1aad ee dalka Norwey, Ciise oo illaa sanad ka tirsanaa kooxda ayeysan usooroobin inuu heshiis la galo maadaama uu ahaa sharci suge laakiin markii uu helay waraaqda sharciga ayuu isla shalay oo Isniin aheyd heshees labo sano ah la galay isagoo kooxda la joogi doono illaa dhamaadka sanadka 2009.

Cayaaryahan Ciise ayaa sanadkan noqdey laacibka ugu goolasha badan kooxda Lillestrøm qeybta heerka sadexaad ee Serie C isagoo 17 kulan oo uu saftey dhaliyey 15 gool, wuxuu u talaabay kooxda heerka 2aad isagoo 8 kulan oo uu bilaabay iyo 7 uu bedel kusoo galay dhaliyey 7 gool sidoo kale wuxuu dhowaan saftey kulan saaxiibtinimo ee kooxda heerka 1aad ee Lillestrøm ay la yeelatey kooxda Bærum isagoo tartankii kooxaha heerka 2aad oo soo gabagaboobay uu kulankii ugu dambeeyey dhaliyey 2 gool.

Cayaaryahan Ciise uu u waramayey bogga net-ka kooxda ee lsk.no markii uu heshiiska saxiixay ka dib ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay inuu kooxda ka mid noqdo wuxuuna tilmaamay in muhiimada ugu weyn ay tahay inuu ciyaaro horyaalka Norwey uuna la dheelo ciyaaryahanada ugu wanaagsan wuxuuna intaa raaciyey inuu booskiisa xiran doono.

Ciise Dheere ka hor intii uusan ka soo tagin dalka Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa  lafdhabarkii kooxda Elman oo ka dhisan Soomaaliya isagoo sidoo kalena ka mid ahaa xidigihii xulka qaranka Soomaaliya ugu qeyb galay isreeb reebka koobkii aduunka ee 2006 oo ay noo awood sheegatey qaranka Ghana.

Cayaaryahan Ciise dheere ama Ciise Midnimo oo aysan noo suura gelin inaan la kulano markii uu heshiiska la galay kooxda Lillestrøm ka dib hase yeeshee aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa  deeyoo.com u sheegay in kulankii ugu dambeeyey ee uu u safto qaranka Soomaaliya uu ahaa kii ay qarankeena barbardhac 1-1 la galeen qaranka Suudaan isagoo ku macsalaameeyey dhaliyeyna goolka xulkeena oo rigoore ahaa.

"Aad baan ugu faraxsanahay inaan fursad u helo inaan ka ciyaaro Tippeligaha "horyaalka Norwey" waxaana ku dadaali doonaa inaan boos ka xirto oo aan ka mid noqdo ciyaaryahanada lagu tashado ayuu yiri Ciise dheere oo u muuqdey inuu sugi la`yahay xiliga uu furmayo horyaalka soo socda mar uu u waramayey deeyoo.com.

Ciise dheere wuxuu kooxdiisa cusub u xiran doonaa maaliyada Nambarka 19aad waxaana u rajeyneynaa inuu noqdo ciyaaryahan mustaqbal wanaagsan ku yeesha ciyaarta kubada cagta uuna ka daalin sidii uu uga mira dhalin lahaa dadaalkii uu usoo galay heerka maanta uu joogo oo aan hubo ineysan aheyn meesha uu tiigsanaayey ee ay tahay keliya jaranjaro iyo wado u sii sahleyso halka uu tiigsanaayo.

Waxaan mar kale ciyaaryahan Ciise Abshir "Ciise Dheere" u rajeyneynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan waxaana idiin balan qaadeynaa hadii Illaah idmo inaan idiin soo gudbino taariikhda ciyaaryahanka oo dhameystiran.

Si aad u aqrisid warkan oo Af-Nowegian ah oo lagu qoray bogga net-ka kooxda uu hada heshiiska la galay gal halkan

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com