Taariikhdii Roberto Baggio oo kooban

 

 

deeyoo.com

Inta aan u guda gelin taariikh nololeedkii Roberto Baggio waxaan aqristiyaasheena xusuusinayaa iney nasoo gaareen fariimo badan oo nalagaga codsadey inaan xooga saarno ka sheekeynta ciyaaryahanadii dambe iyo kuwa weli ku dhex jira garoomada kubada cagta ayaa inagoo qiimeyneyno codsiyadii nasoo gaarey waxeynu isku dayo doonaa inaan idiin soo gudbino taariikh nololeedka ciyaaryahanadii 80meeyada iyo wixii ka dambeeyey haba ugu badnaadeen kuwa ku jira liiska FIFA 100 ee waqtiyadii dambe hadii Alle idmo.

     

 goosgoos goolashii Roberto Baggio

Roberto Bagio iyo waqtigii uu ciyaaraha bilaabay

Baggio waxa uu ku dhashay magaalo yar oo la yiraahdo Caldagno oo ku taala waqooyiga Talyaaniga kuna dhow magaalada Vicenza 18kii Febraayo 1967kii.

Baggio waxa uu yaraantiisii aad u xiiseyn jirey isboortiga gaar ahaan kubada cagta, waqti uu aad u da`yaraa ayuu ku biirey koox xaafadeed ka dhisneyd magaalada uu ku dhashay ee Caldagno hase yeeshee markii uu dhowr sano u ciyaaray ayaa waxaa nasiibku u samaxay inuu u gudbo heer koox isla markaana uu sxiixo qandaraaskiisii ugu horeeyey ee uu mushahar ku qaadanaayo xirfadiisii kubada cagta dabayaaqadii sanadkii 1981kii.

Kooxihii uu usoo ciyaaray

Baggio kooxdii ugu horeysey ee uu u safto waxey aheyd Vicanza oo ka ciyaareysey Serie C, qaab ciyaareedkii Baggio waxaa aad ula dhacay madaxdii iyo tababarihii Fiorentina oo ay u suura gashay iney lasoo wareegaan sanadkii 1985. Baggio waqtigii uu u ciyaarayey Fiorentina waxa uu guri ka sameystey halbowlayaasha taageerayaashii Fiorentina oo ka hor intii uusan kasoo tagin u doortey inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara isagoo 94 kulan oo uu u saftey u dhaliyey 39 gool oo qaarkood ay aad u qurux badnaayeen aadna muhiim u ahaayeen. Sanadkii 1990kii ayaa kooxda Juventus dalab u dirtey Fiorentina si ay ula soo wareegaan Baggio inkastoo kooxda iyo Baggio xiriir aad u sareeya u dhexeeyey horeyna ay u diideen dalabaad kaga yimid kooxo kale markaan Fiorentina ma diidi karin dalabkii Juventus maadaama ay diyaar la ahaayeen ku dhowaad 20 milyan oo dollarka mareykanka ah oo aan hore ciyaaryahan lagu iibsadey aanu jirin, Fiorentina ayaa markaas ogolaatey iney fasaxaan Baggio oo noqdey ciyaaryahankii ugu qaalisanaa aduunka xilligaas, heshiiskaas ka dib ayuu Baggio u sheegay taageerayaashiisii Fiorentina in lagu qasbay in lagado ee uusan raali ka aheyn.

Baggio waxa uu Juventus kula guuleystey  koobkii UEFA 1993kii isagoo aad uga dhex muuqdey ciyaaryahandii Juventus, sanadkaas ayaa la dhihi karaa waxa uu ahaa waqtigii ugu wanaagsanaa Baggio intii uu kusoo dhex jirey ciyaarta kubada cagta maadaama koobka UEFA ee uu kooxdiisa kula guuleystey ka sokow uu helay abaal marinta ah ciyaaryahanka sanadka Yurub iyo weliba ciyaaryahanka sanadka Aduunka isagoo isla sanadkaas ku guuleystey 3 abaal marin oo kale oo dhamaantood ahaa xidiga sanadka.

Baggio oo 141 kulan oo serie A ah u saftey Juventus wuxuu u dhaliyey 78 gool, waxa uu horyaalkiisii ugu horeeyey kula guuleystey kooxda Juventus sanadkii 1995kii hase yeeshee dalabaad xoogan oo ka yimid milkiilaha Milan Berlusconi ayuu isla sanadkaas ku wareegay kooxda Milan isagoo sanadkii 1996kii mar labaad ku guuleystey horyaalka Talyaaniga taasoo sida la sheegayna uu noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey Talyaaniga oo 2 horyaal oo isku xiga kula kala guuleystey 2 koox oo kala duwan.

Laakiin Baggio kuma raagin kooxda Milan 2 sano ka dib ayuu isaga tagay markii uu tababare Arrigo Sacchi kusoo noqdey kursigii tababaranimo ee Milan waxaana aad loo xusuustaa in Sacchi uu tababare u ahaa qarankii Talyaaniga ee rigoorayaasha lagaga adkaadey finaalihii koobka aduunka ee 1994kii markaasoo Baggio rigoore aad muhiim u aheyd ka qasaariyey xulkiisa una suura geliyey in Brazil mar kale noqoto horyaalka aduunka taasoo si weyn uu tababare Sacchi uga caroodey illaa maantadan la joogana aysan salaanta iska qaadin.

1997kii ayuu ku biirey kooxda Bologna si uu u tuso tababaraha qaranka in weli xirfad iyo gool dhalinba ku harsan tahay una qalmo inuu boos ka helo qaranka Talyaaniga iyo weliba inuu ilaawo waqtigiisii ugu xanuunka badnaa intii uu ciyaaraha kusoo dhex jirey oo aheyd 2dii sano ee uu la joogey kooxda Milan oo dhamaadkii horyaalka 96/97 kulamo badan  bakiin fadhiyey amaba dhaawacnaa isagoo guud ahaan 51 kulan oo serie A ah u saftey Milan dhaliyey 12 gool oo kaliya.

Baggio oo dad badani maleynayeen iney ka dhamaatey ayaa horyaalkii 97-98 dhaliyey goolashii ugu badnaa ee uu hal horyaal dhaliyo isagoo shabaqa ku hubsadey 22 gool, sanadkaas wuxuu kaalinta 3aad ka galay tartanka gool dhalinta taasoo uu ku muteystey in tababareihii qaranka Talyaaniga Cesare Maldini uu Baggio ku daro qarankii Talyaaniga u matalayey koobkii aduunka ee 98kii.

Koobkii aduunka ee 98kii ka dib Baggio wuu ka tagey Bologna wuxuuna ku biiray Inter hase yeeshee bilow wanaagsan ka dib waxaa kooxda u yimid tababare Marcello Lippi oo sheegay inuusan Baggio ka mid aheyn raga uu ku tashanaayo taasoo Baggio ku qasabtey in mar kale uu caro gedisto isagoo markaana aadey kooxda Brescia.

Inkastoo Baggio soo bandhigay dadaal iyo xirfad ciyaareed hadana kuma filnaanin in tababarihii qaranka Talyaaniga ee 2002 Trapattoni ku daro liiska ciyaaryahanda ka qeyb gelaayo koobkii aduunka ee 2002 taasoo qubaro badan ay saadaalinayeen inuu ka mid noqon doono.

Baggio wuxuu sii watey mustaqbalkiisii ciyaaryahanimo ee kooxda Brescia illaa sanadkii 2004 markaasoo si toos ah kaga fariistay guud ahaan ciyaarta kubada cagta isagoo kulankiisii ugu dambeeyey ku ciyaaray garoonka San Siro ee magaalada Milano kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga oo ay kooxdiisa la laheyd kooxdiisii hore ee Milan. daqiiqadii 88aad ayaa la bedelay Baggio isagoo markii uu garoonka kasii baxayeyna ay sacab iyo sawaxan la istaageen dhamaan dadkii xaadirka ku ahaa garoonka oo ay tiradoodana kor u dhaafeysey 80,000 oo qof.

Naadiga Brescia ayaa mamnuucay xirashada maaliyada no.10 iyagoo xusuus ugu dhigay Baggio oo mustaqbalkiisii dheeraa iyo kooxihii kala duwanaa ee uu usoo saftey kusoo qatimay 205 gool oo horyaalka Talyaaniga ah.

Waqtigiisii xulka qaranka iyo koobka aduunka

Baggio wuxuu markiisii ugu horeysey ka qeyb galay koobkii aduunka ee lagu qabtey dalkiisa Talyaaniga sanadkii 1990 inkastoo uu dhalin yaraa isla markaana uu inta badan bedel kusoo galayey hadana wuxuu soo jiitey indhaha bahda isboortiga gaar ahaan kubada cagta markii uu dhaliyey gool aad u qurux badnaa kulan ay Talyaaniga la lahaayeen qaranka Czechoslavakia oo markii dambana loo doortey goolkii ugu quruxda badnaa koobkii aduunka ee 1990, Qaranka Talyaaniga oo xiligaas ku guuldareystey hanashada koobka aduunka oo ay marti gelinayeen ayaa shakhsi ahaan la dhihi karaa Baggio iney guul u aheyd isagoo goolkaas xusuusta reebay ka sokow dhaliyey gool kale kulankii loogu tartamaayey kaalinta 3aad oo ay 2-1 ugu badiyeen Ingiriiska.

Koobkii aduunka ee 1994kii ayaa ku sigtey in loogu magac daro koobkii Baggio maadaama uu ahaa maskaxdii iyo mishiinkii qaranka Talyaaniga ee soo gaaray finaalhii koobka aduunka ee 94kii lagu qabtey Mareykanka.

Baggio wuxuu qarankiisa u dhaliyey 5 gool oo midkastaba uu aad muhiim u ahaa isagoo dhamaan 5 goolba dhaliyey kulamadii bax ama badiga ahaa ee ay la yeesheen xulka Nigeria wareegii 2aad oo uu 2 gool ka dhaliyey, Nigeria oo illaa daqiiqadii 88aad ku hogaamineysey ayuu Baggio goolkii bareejada dhaliyey 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta isagoo goolkii guushana dhaliyey 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee waqtigii lagu daray una soora geliyey in xulkiisa u soo gudbaan wareega 8da dal ama 1/4 finaalka.

Baggio ayaa halkiisa kasii wadey mucjisadiisii 94ka markii uu hadana 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta xulkiisa u dhaliyey goolkii guusha markii ay fooda isdareen qaranka Spain oo ay 2-1 kaga badiyeen isagoo Talyaaniga u hogaamiyey iney markii 2aad oo isku xiga soo gaaraan semifinaalaha koobka aduunka.

Laakiin kulankii semifinaalaha waxey Bagio ku qaadatey 25 daqiiqo oo keliya inuu dalkiisa u hogaamiyo finaalaha tartanka qiimaha badan ee koobka aduunka markii uu 2 gool kala dhaliyey daqiiqadihii 20 &  25aad kulankii semifinaalaha oo ay Talyaaniga 2-1 ku quusiyeen qarankii Bulgaria markaasoo dad badan isweydiiyeen in Baggio uu koobiyeynayo Maradonihii weynaa ee reer Argentina oo xulkiisa u hogaamiyey iney hantaan koobkii aduunka ee 86kii oo dad badana u yaqaanaan koobkii Maradona maxaase dhacay??

Baggio oo dhaawac kasoo gaarey kulankii Bulgaria ayaa ku adkeystey inuu ciyaaro finaalka oo ay Brazil kula balan sanayeen maadaama uu ahaa wadnihii Talyaaniga ee 1994kii wuxuuna garoonka soo galay isagoo faashad weyn lugta kaga duubneyd kulankaasi oo waqtigii caadiga ahaa iyo kii lagu dareyba  goolal la`aan kusoo dhamaadey ayaa laga fursan waayey in rigoorayaal lagu kala baxo markaasoo Baggio cunay rigiiradii ugu dambeysey ee Talyaaniga oo uu birta kormarsiiyey una suura geliyey in Brazil noqoto horyaalka aduunka Talyaanigana rigoorayaal lagaga badiyo 2 koob aduun oo isku xiga (semifinale 90, & finaale 94)

 

Xayeysiin laga sameeyey rigoorooyinikii Baggio ee 94 & 98

Guuldaradii Talyaaniga ee tartankaas ayaa dad badan oo uu horkacayo tababarihii xulka qaranka Arrigo Sacchi waxey eedeeda dusha kaga tuureen Baggio oo inkastoo rigoore qasaariyey hadana xitaa hadii uu dhalin lahaana weli ay xulkii Brazil heysteen fursad kale oo hadii ay dhaliyaan rigooradii ugu dambeysey ee 5aad ay markastaba koobka qaadi lahaayeen iyadoo Baggio ka horna sidoo kale ay Franco Bressi iyo Daniele Massaro oo xulkooda Talyaaniga u gamay rigooradii 1aad iyo 4aad sida ay u kala horeeyaan qasaariyey.

Eedeynta tababare Sacchi iyo dadka ku fekerka ah ee rigooradii Baggio ka sokow waxaa jirey dad kale oo aad iyo aad uga tiro badan oo qaba in Talyaaniga Baggio la`aantiis ayba goor hore ka hari lahaayeen tartanka oo aysan finaaleba yimaadeen oo tababare Sacchina shaqadiisa weyn lahaa oo ciyaaryanaka badbaadiyey uu ahaa Baggio ayaa waxaa shaki ku jirin in rigooradii caanbaxdey ee Baggio uusan weligii ilaawi doonin dad badan oo kalena aysan sidoo kale ilaawi doonin.

Baggio wuxuu tartankaas xagga goolasha galay kaalinta 2aad isagoo dhaliyey 5 gool daqiiqado aad muhiim u ah.

Baggio waxaa mar kale lagu arkey koobkii aduunka ee 98ka lagu qabtey Faransiiska isagoo kulankii ugu horeeyey oo ay la yeesheen qaranka Chile dhaliyey mid ka mid ah goolasha Talyaaniga markii ay isla dhaafi waayeen 2-2, goolkaas Baggio wuxuu iskoor cusub u ahaa taariikhda kubada cagta Talyaaniga maadaama uu noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee gool ka dhaliya midkastoo ka mid ah 3 koob aduun oo uu ciyaaray. Baggio waxa kale uu dhaliyey goolkii ay kaga badiyeen qarankii Austrea iyadoo mar kale uu goobjoog u ahaa Baggio xulkiisa qaranka oo mar kale rigoorayaal lagaga badiyey koobka aduunka markii ay quarter-finalka  isku qaabileen qarankii martida loo ahaa ee Faransiiska oo markii dambe qaadey koobka aduunka, Baggio inkastoo uu dhaliyey rigooradii lagu aaminey hadana Talyaaniga waa laga badiyey taasoo noqotey in Baggio oo 3 koob aduun kala qeyb galay qarankiisa in sadaxdaba rigoorayaal lagaga adkaadey.

Baggio waxaa loo sameeyey kulan qaran oo lagu macsalaameeyey 28 Abriil 2004 mar qaranka Talyaaniga ay kulan saaxiibtinimo la yeesheen qaranka Spain isagoo guud ahaan u dheelay qaranka Talyaaniga 56 kulan dhaliyeyna 27 gool oo 9 ka mid ah uu dhaliyey waqtiyadii uu ciyaarey koobka aduunka, waa ciyaaryahanka Talyaaniga u dhaliyey goolasha ugu badan ee tartanka koobka aduunka isagoo shabaqa la helay 9 waxaa sidoo kale min 9 gool dhaliyey ciyaaryahanada Christian Vieri iyo Paolo Rossi.

Guulihii Baggio

Baggio waxa uu Juventus kula guuleystey horyaalka Talyaaniga 1995kii, koobka koobabka 1995kii iyo weliba koobka UEFA 1993kii, Milan wuxuu kula guuleystey horyaalka Talyaaniga 1996kii, Baggio oo abaal marino aad u fara badan ku guuleystey waayihiisa kubada cagta hadana waxaa xusid mudan sanadkii 1993kii oo uu isku darsadey ciyaaryahanka sanadka Yurub iyo kan aduunkaba.

Baggio waxaa sidoo kale loo doortay kooxdii ugu wanaagsaneyd ee abid (DREAM TEAM)ka Juventus, kan Talyaaniga iyo weliba kan FIFA ama aduunka oo loo xolo 11ka ciyaaryahan ee ugu fiican, Baggio wuxuu kaloo qeyb ka ahaa liiska 50 ciyaaryahan ee ugu wanaagsan kubada cagta Yurub oo la soo saarey xili ay UEFA u dabaal degeysey sanadguuradii 50 ee kasoo wareegtey waqtigii la aas aasay iyo liiska FIFA top 100 oo ah 100 ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa ee dunida soo mara.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo2003@hotmail.com