Maxkamad ku taallo dalka Liibiya ayaa todobaadkaan fasaxday in ninka Liibiyaanka uu guursan karo xaas 2-aad iyagoo aan fasax ka qaadanin xaaskooda 1-aad ama marwada 1-aad ay qabaan.
Maxkamadda sare dalka Liibiya ayaa ku sameesay isbadal xeerkii hore u yiilay guurka Ragga kaas oo dhigayay in haddii nin Liibiyaan ah uu doonno inuu guursado xaas 2-aad laga doonayay inay fasaxdo xaaska 1-aad isla markaasna ay ogaato maxkamadaha dalkaas.
Maamulkii hore ee Col.Qadaafi ayaa dajiyay sharci sheegayay in ninka xaaslaha ah uusan guursan Karin haddii uusan fasax ka haysanin xaaskiisa koowaad.
Taliskii mudada 41 sanno ka talinayay dalka Liibiya ee uu hogaaminayay kaligiis taliyihii Mucamar Qadaafi ayaa sidoo kale dhigayay sharciyada uu u dajiyay guurka in ninka marka uu guursanaayo xaas 2-aad iyadoo qodobka ugu muhiimsan uu yahay in xaaska 1-aad ay ogolaato kadibna la fiiriyo dhaqaale ahaan inuu awood inuu kaafin karo nolosha labada xaas.
“waxaa la amrayaa haddii ninka uu guursanaayo xaas 2-aad waa inuu leeyahay awood dhaqaale oo noloshooda uu dabari karo ama uu gacanta ku hayn karo oo dhaqalaha uu u saamaxo ayay tiri maxkamadda Sare dalka Liibiya taas oo meesha ka saartay fasaxii laga qaadan jiray xaaska 1-aad.
Maxkamadda sare dalka Liibiya ayaa badashay qodobkii dhigayay in ninka xaaslaha ah marka uu guursanayo xaas 2-aad uu fasax ka qaato xaaskiisa 1-aad, waxaana la meel mariyay Sharcigaas Maalintii Talaadada ee todobaadka 1-aad ee bisha February.
Dalalka reer Galbeedka ayaa ka walaacsanaa in dalka Liibiya laga hirgaliyo xukun islaami ah kadib markii Maamulkii Col.Qadaafi Talada laga tuuray,waxaana Sharcigaan dhigaya in ninka xaaslaha ah uu guursan doonno xaas kale uusan amar ka qaadanin xaaskiisa 1-aad ay tahay mid kamid ah sharciga diinta islaamka.
W/Diyaariyay:Ahmed Mooge.
Madaxa wararka Afrika
ahmed_mooge007@Hotmail.com








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa