HomeNewsBandhiga DeeyooWararka XidigahaArimaha FankaMusic Sport Contacts
Hibaaq Mohamed Oo Runtii Noqotay Wadaniyada Sanadka Ayaa Halkeedii Kasii Wada Heesaha Dhiiri Gelinta Iyo Wadaniga Ah Markana Waa South Afrika Video
2013-01-25 10:24:36

Fanaanada, Abwaanada Hibaaq Mohamed Abdullahi oo runtii ku magacaabi karo Hibaaq Wadani waa fanaanada aan u aqoonsanay inay tahay Wadanigii Sanadka, iyadoo ku muteysatay heesihii xiriirka ama silsilada ahaa oo ay ku dhiiri gelineysay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba.


Hibaaq ayaa markan kasoo tilaabsatay xadka dalkeena Soomaaliya waxa ayna hees qiiro leh ku canbaareysay sida ay dadkeena u rafaadiyeen dadka South Afrika oo noo geystay Dil, Dhac iyo Dhaawac aan xad lahayn waxa ayna na tuseen naceybka ay u qabaan qof kasta oo ay u arkaan inuu yahay Jinsi Soomaali meeshaa doonto kasoo jeed ama qabiilkaa doonto ahoow.


Hadaa nahay Bahda Fanka waxaan leenahay Hibaaq Hambalyo walaal, waxaadna tahay Wadani la hubo oo aan ku faani karno, weligaana haka caajisin dadaalkaaga iyo tusaalahaaga faneed.

 

Ereyada ama Lyrics Heesta oo buuxa.

 

Soomaaliyey sidee baad u aragtaan

South Afrika sidee baad u aragtaan

Saanadii iyo boobka subax walba taagan

Soomaaliyey sideed u aragtaan

dadkayaga sida loo dilaayo

Siriq inta ku gooyaan

Sunta inta ku buufshaan

Seef iyo midiyo nafta looga saaraa

South Afrika isma oran

Soomaaliyaa sidii hore kusoo noqon

Ka siisan meyno South Afrika

Suracaada taal South Afrika.


Qeybta 2aad.


Soomaaliyey Sidee baad u argtaan 

South Afrika sidee baad u aragtaan

Saqda dhexe habeenkii

Dab intey suraan beey

Saqiir iyo kabiir kalama soocaan

Afrikada kale wey nasoo dhaweeyeen

How sidata keenya, sina kuma iloownee

South Afrika sahal kuma ilownee

South Afrika isma oran

Soomaali baa sidii hore kusoo noqon.

Ka siisan meyno South Afrika

Suracaada taal South Afrika.


Daawasho Wanaagsan Heesta South Afrika iyo Hibaaq Mohamed Abdullahi ( Hibaaq Wadani)

 

Deeyoo Music 2013


Latest News Xidigta nairobi hodan afrika ayaa soo saartey hees abaal gud u ah madaxweyne erd
2015-01-27 17:06:29
Hees wadani ah oo aad u qiima badan ayey soo saareen legend hanuuniye iyo xidigt
2015-01-14 20:31:13
Sida aad uga barateen shabakada deeyoo music ayaa idiin soo bandhigeysa hees kab
2015-01-10 01:04:51
Xidigaha geeska oo ay hor kacayaan xidigaha caan baxay yurub, nimcaan iyo xamda
2015-01-09 18:57:00
Xidigta nairobi yurub bella iyo muuqaalka heesteeda cusub ee dabin ayaanu idiin
2015-01-08 16:54:43
Xidig faneedka ugu caansan fanaaniinti soo baxday waayahan danbe mursal muuse ay
2015-01-07 23:07:54
Fanaaniinta hirgalay ahmed zaki iyo nasteexo indho ayaa soo saaray muuqaalka hee
2015-01-07 22:52:45
Mucjiso faneed ka dhacday magaalada garowe ee dalka somaliya markii ay hal meel
2015-01-06 03:02:05
Fanaan reer hargeysa ah mukhtar beerof oo soo qaaday hees shirib ah oo aad u mac
2015-01-05 17:01:16
Fanaanka da'da yar ee reer waqooyiga amerika jubba yare oo soo saaray hees aad u
2015-01-05 16:11:01
Arimaha Bulshada Xidigta nairobi hodan afrika ayaa soo saartey hees abaal gud u ah madaxweyne erd
2015-01-27 17:06:29
Hees wadani ah oo aad u qiima badan ayey soo saareen legend hanuuniye iyo xidigt
2015-01-14 20:31:13
Sida aad uga barateen shabakada deeyoo music ayaa idiin soo bandhigeysa hees kab
2015-01-10 01:04:51
Xidigaha geeska oo ay hor kacayaan xidigaha caan baxay yurub, nimcaan iyo xamda
2015-01-09 18:57:00
Xidigta nairobi yurub bella iyo muuqaalka heesteeda cusub ee dabin ayaanu idiin
2015-01-08 16:54:43