
Halkan ka dhageyso heesta cusub ee Farxiya Fiska, ereyadana ka akhriso, sidoo kale soo dejiso hadaa doonto.
Cadceediyo xidigihiyo
Cimilada aduunyada
Cirka aarka joogiyo
Halka ceynku kaga yaal
Adigoon ku caan noqon
Caro edabta hadalkee
Aama caani kala harin
Isagaa cumaamadan
Culuunka gu’weyniyo
Cayayaanka duulee
Cidi aaney aragiyo
Ciirsi ruuxa kuu xiga
Haku noqonin cadowgii
Ciribtiray walaalkii
2aad
Caqligiyo wax garashiyo
Caynaanu nabadee
Xaajadaa cakirantiyo
Gole lagu cadeyn karo
Codkarkiisa weyniyo
Garabka caadilkey noqon
Kaama caawin kari nolol
Ha u caroon waqtiga iyo
Calaf waxaad ku weydoo
Cayayaanka duulee
Cidi aanay aragiyo
Ciirsi ruuxa kuu xiga
Haku noqonin cadowgii
Ciribtiray walaalkii
3aad
Cilmi iyo waxbarashiyo
Caruurnimo wax kaa lumay
Adoon cashirka diintiyo
Cabsidii ilaah wadan
Ama caalim weyn noqon
Ha u oran cabiidsiga
Cadaab midaad ku galeysiyo
Ha cadaadin ruuxaad
Kaa deyin colaadoo
Cayayaanka duulee
Cidi aanay aragiyo
Ciirsi ruuxa kuu xiga
Haku noqonin cadowgii
Ciribtiray walaalkii
Dhamaad, Qoradii Deeyoo Music Team 2013.








Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d