Baxsanow waa hees kamid ah heesaha sanadkan aadka looga daba dhacay ayaa hada muuqaalkeeda ama Video Clip cajiib ah loo sameeyay banaankana usoo baxday, wixii in muddo ah la sugaba, heestan oo ay kaaga muuqaneyso xidigad cusub oo sida shumaca uga soo iftiimeysa fankeena waa Hani Uk oo runtii mustaqbal dhan walba ah ku leh fanka inta ku hadasha afka Soomaaliga.
Ereyada murtida ah ee heestan ku jira waxaa ku fara yareysatay Abwaanada Khadra Cawil, waxaa laxameeyay Alfanaan Abdiwahab Booska oo aad heesihiisa wax badan dhageysateen, dhanka Musiga iyo duubista waa Dafle Studio ee London.
Muuqaalkan quruxda badan waxaa awoodiisa iyo farsamadiisa isugu geeyay Filim qaadaha weyn Abdinasir Cirro oo runtii la dhihi karo waa xidig usoo bidhaamay Soomaalida guud, gaar ahaana kuwa ku nool qaarada Yurub oo uu hogaan u yahay waqtigan la joogo.
Cirro waxaan ku wada xasuusanaa heeso muuqaal ah oo ay kamid yihiin Gaarsiiya iyo Love Love, waxa uu inoo sheegay inuu gacanta ku hayo heeso kale oo muuqaal ah dhawaana soo bixi doona, hadaanu nahay bahda Fanka waxaan leenahay Mahad iyo Amaan ayaad naga wada Mudantahay Abdinasir Cirro.








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa