Heestan oo magaceedu yahay Isma qaadi kareyno waxaa sameeyay ereyada iyo laxankaba Ahmed Heykal oo aad ku xasuusataan Duubista iyo farsameynta muuqaalada Filimada iyo heesaha, waxaa Musiga iyo duubistaba ku fara yareystay Mustafe Dafle oo sanadkan muujiyay heerka uu ka gaaray tumista iyo duubista heesaha.
Heestan oo ay durbaba dad u badan warbaahinta bilaabeen in ay ka bixiyaan faalooyin aan xigasho ama Source lahayn, balse anaga oo xushma u hayna fanaanada qaadeysa iyo dhamaan fankaba waxaan banaanka ka istaageynaa wax walba oo kutirikuteen ama Gossip ah.
Waxaan sidoo kale xushmo u haynaa dhamaan fanaaniinta Soomaaiyeed oo muujiyay dhabar adeyg iyo dadaal weyn iyagoo weliba ku jira ama ay haysato duruufo adag, marka in dad sidaa u dadaalaya lagu sameeyo dhabar jebin ama niyad jebin ayaa u aragnaa mid qalad ah.
Tusaale, heestan iyo tan hada suuqa lala geliyay jawaab ayey u tahay waxaa horeysay heestan hada la leeyahay waa jawaab, laakiin warbaahinta xilligan waxay noqotay qof walba iyo laptopkiisa wuxuu doono haku qoro.
Dadka isla heesa ama isku heesa, is jecel ama is neceb waa arin u dhexeysa iyaga hadii ay jirtana runtu ma qarsoonto ee yaan laga hor dhicin hana la xushmeeyo qiimaha saxaafada iyo jaceylka ay bulshadu u qabto, hadii kale waxaa dhumaya oo meesha ka baxaya xiriirka ka dhexeeya warbaahinta iyo dadweynaha.
Heestan kaliya ma aha ee waxaa jira laba hees kale oo ay Farxiya Fiska soo saartay oo aan idiin soo deyn doono maalmahan waan hubaa in iyagana laga sameyn doono sheekooyin iyo musalsal lamid ah kuwa aan soo aragnay.
Deeyoo Music.








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh